Deegaanka Sooljoogto oo kamid ah Deegaanada sida weyn ay dagaaladu ugu dhexmareen Ciidama Beeleedada Deegaanka Buuhoodle iyo Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa haatan ah mid si rasmi ah dib ugu soo laabtay gacanta dadka Deegaanka Buuhoodle, iyadoona Deegaankaasi ay dagaalo qadhaadh ay iska hor yimaadeen Ciidamada Maamulka Somaliland iyo Ciidama Beeleedada Deegaanka Buuhoodle waxaana dagaaladaasi ku nafwaayey in ka badan ilaa 300 qof oo ka tirsan dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.
Hadaba mar aanu Deegaankaasi booqanay ayaa waxaanu ku aragnay rag ku naf waayey dagaaladaasi oo aysan aasin Ciidamada Maamulka Somaliland, iyadoona marxuunyadaasi ay tiradoodu dhan tahay 3 qof ayaa waxaanu ku aasnay Deegaanka Shangalle oo ah duleedka Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.
Waxgaradka iyo Culuma awdiinta Magaalada Buuhoodle ayaa si aada u cambaayey falkaasi isla markaasna ku tilmaamay mid ka baxsan xuquuqul insaanka maadaama ay asturi waayeen maydadkaasi.
Si kastaba ha ahaatee falkani ayaa qayb ka ah falal hore uga dhacay Deegaankaasi, iyadoona dadka Deegaanku ay sheegeen in Ciidamada Maamulka Somaliland ay caadaysteen inay gaystaan markasta falal ka baxsan xuquuqul insaanka isla markaasna ay hore u jireen dad Ciidamada Somaliland ay mariyeen gawaadhida gaashaaman ee loo yaqaan Beebeega.
Maxamed Cali Bile
انا لله وانا اليه راجعون waa arrin laganaxo oo aan ka suurowin qof waliba oo damiir leh iska daa islaamnimo iyo bina,aadin nimee damiir kaaba kuu diidaya ولا حول ولا قوت الا با لله العلي العظيم
Kuwa dhintay illaah ha cadawdo macna daro ayuu u dhintay ayadow cadow somalia heesto