Faallo(WMN)Inta aanan u guda gelin maqaalkan waa kuma siyaasigu, soo bandhiga macnaha siyaasi kuma koobna maqaal kaliya eh waxaa dheer oo aad si buuxda aad uga dhargi doontaan dhanka suugaanta iyo murtida oon maqaalkan aan ku falanqeynayno waa kuma siyaasigu Mataan aan kala digey, kaasoo inta badan ah waxyaabo iidnu horey u arki jirin, haduu yara idinku dheeraadana shacuurta jirtaa iga keentaye raali halayga noqdo (insha-allaah Ciwaanka aan maqaalkan hor dhaca uga dhigey ulajeedada dhabtaa ee uu xambaarsan yahay waa su’aal u baahan in jawaab feejigan laga bixiyo, taasoon ugu talagalay inay bahweynta soomaaliyeed is weydiiyaan, hadaba anoo qaab suugaaneed ku cabiraya su’aashayda aan kusoo koobo erayadan.)
Sahal maahan xaajadu—sabanadan colaadaha
Socotoon idlaan iyo—dagaalkaan sokeeyoo,
Salka nooba dhigi la’ oo—sii sare kacaayee
Sabataa dadweynoow—saadaal aan sameynee
Shoow masuul salaam—Dheer wada sitaa oo
Si loo fuulo aan baran—hadii sacabka loo tumo
Sidban mayo saan horey—sanadahaan u aragnaba
Soomaalaay dhamaantiin—aan idin su’aalee
Waa kuma siyaasiga—saxan oo hogaanshaa
Bal si aan u baranoo—mar danbee naloo sirin.
Hadaba markaan intii badneyd aruuriyey aragtida dadweynaha soomaaliyeed aanan isku dayey inaan xuuraansado oo weliba u kuur galo sida ay u arkaan su’aashaas ah Waa kuma Siyaasigu?
Jawaabihii ay ka bixiyeen inta badani waxaad moodaa biyo dhaceeda aragtida ay ka qabaan su’aashaas jawaabteedu ay isku meel kusoo wada ururayso, taasoon u arko in dadka soomaaliyeed intooda badan uu ka tanbadan yahay dhaqanka hida raaca loo yaqaan, kaasoo saldhig u ah Cadaafad oo ah mid muuqda oon haba yaraatee marnaba aan la qarin Karin.
Hadaba jawaabaha ay inta badan umada soomaaliyeed su’aashaas ah (Waa kuma siyaasigu) ama siyaasiga dhabtaahi ay ka bixiyeen 75% markaan aruuriyey anoo soo koobaya oo weliba aan ahay shaqsi maryooleey ka mid ah oo dhaqankooda iyo dabeecadahoodaba si wanaagsan u aqaan, ayaa qaabka aan kala kulmay jawaabaha ay ka bixiyeen su’aashaas ama ay aaminsanyihiinba inta badan waxay ahaayeen kuwo aanan ku qancin, maskax caqli caafimaad qaba oo ay ku jirto dareen wadaninimana aanu runtii qaadan Karin, balse marmar waxaad isleedahay ma aqoon daraa aragtidaas qaldan sababtey, mise waa aafo xag alla nooga timid iyo cinqaab umada soomaaliyeed ay galabsatey.
Waxay umada soomaaliyeed aaminsan yahiin inteeda badani inuu ruuxa siyaasiga dhabtaahi uu yahay-siyaasiga leh dabeecadahan ama sansaankan:
1-Waa inuu siyaasiga dhabtaahi leeyahay hanta miduu horey u haystey iyo miduu dhacaba tey doonto ha ahaatee.
2-Waa inuu siyaasiga dhabtaahi yahay nin ku hadla afka beeshiisa kuna ad-adag intaan loo gudbin oo la gaarin tan qaranka guud.
3-Waa inuu siyaasiga dhabtaahi yahay nin leh cudud iyo awood oo hub uu ku gorgortami karo uu haysto.
4-Waa inuu siyaasiga dhabtaa uu yahay nin dagaal yahana, oo aan kal naxdaa lahayn islamarkaana ah nin dhiig daadin kara si looga baqo.
5-Waa inuu siyaasiga dhabtaahi noqdaa nin La wato oo ku tiirsan awood shisheeye,oo uu ka helo hanta uu ku caburin karo dadka uu rabo inuu xukumo.
6-Waa inuu siyaasiga soomaaliyeed ee dhabtaahi noqdaa nin ka fog ilaalinta danta guud, oo uu noqdaa mid dhawrta tiisa gaarkaa iyo tan xigaaladiisa, dilaalnimadana aad ugu xeel dheer.
7-Waa inuu siyaasiga dhabtaa ee soomaaliyeed noqon karaa nin aanan Diinta iyo dhaqanka soo jireenkaa ee soomaaliyeed aanan tixgelin badan siin hadaan dani ugu jirin, kana doorbida hankiisa gaarkaa ee uu leeyahay Shaatiguu doonana gashan kara marka loo baahdo.
Inaa lillaahi wa inaa illaahi raajucuun-Umad muslin ahi cinqaabi kuma dhacdo ilaa ayagu ay isu keenaan mooyiye, jumladaasi waa xadiis saxiixa waxaanad garan kartaa masiibada aan la harsan weyney hoyashana iskaba daa warkeeda eh, inay tahay midaan anagu soomaali ahaan aan isu keenay markaan intii xumayd oo dhan sacabka u garaacney qaladkii iyo baadilnimadii illaahay naga reebana sheydaan noo qurxiyey waa hubaal in nalaka jaaseynayo.
Su’aashii ahayd waa kuma siyaasigu hadii bahweynta soomaaliyeed intoodii badnayd jawaabtoodii ay saas noqotay, hadaba soow lama oron karo walaahoowga iyo colaadaan ba’an oo hariweydey mudada cagacageynaysa 21-ka sano soow lama oron sahankii aan darsinaa qaldanaa, eedeedana waxaa iska leh soomaalida inteeda kale marka laga soo tago, kuwa aan Siyaasiyiinta u naqaano iyo hurmuudka umada oo aan mudnayn halka aan geynay ama ay joogaan, taasoo sababteedi aan ka aragno halka manta soomaali mareyso.
Hadaba—Ma siyaasiyiintii—Sahanka aan kadhiganaa
Saboolkaa nabaday oo –kala dilasokeeyihii
Soomaalida ahaa oo—na hortagan sabankaan
Ruux noqdaa siyaasiba—sahay naga dhigtaa uu
Dadkiisii sir iyo caad—saadaalinaayoo
Soomaalinimadii eegayn siyaasiye—san dareerto raadine
Sumcadeeni dhimataye—qalad saxa dadweynoow.
Hadaba is la garanay halka salaadu iska qaban ladahay ay tahay soomaaliyeey qalad aan aragno oo aan saxi la,nahay kaasoo saldhig u noqdey dhibka iyo jaahwareerka na saameeyey manta gaar ahaan Koofurta soomaaliya, kuwa aan siyaasiyiinta u naqaano ayaana masuul ka ah sababta dhiiladan iyo colaadan hari la’ oo aan inta badanba garan siriqda iyo hagar daamada uu u dhigayo cadowgooda shisheeye kuwaasoo u haysta inuu yahay saciim dhiiga ay isku darsadeen, kii sokeeyihiisa ahaa oo soomaaliyeedna u haysta inuu yahay cadow inlaga taqaluso lama huraan ay tahay, Ruuxa siyaasigaa markii saciimkii iyo dadkii iyo dalkuu ka dhashay laga dhex saaro oo uu ku dhaco ugu danbeyn siriqdii ba’anyd eel ala doondoonayey, ama la arko inuu siyaasigii hebedka ahaa uu galey dareen cusub iyo xaniinyo aanu lahaan jirin ayaa si dhib yar oo sharaf dhaca asaga qudhiisii ugu danbeyn sharafta looga qaadaa, balse waxaa haboonaan lahayd in la helo siyaasiin ku waana qaadan kara iyaga kuwii ka horeeyey halka la mariyey bal inay dib isu weydiiyaan, aan hadana ku cabiro qaab suugaaneed.
Ruux siyaasi ismoodoo—U sareeya qaran idil
Dadkiisii saluugoo—sidkadaan shisheeyuhu
U sidaan sibraarkoo—soomaalinimadii
San dareerto gaariyo—ka doortaa sanuudoo
Saaxiib ismoodoo—Dilaal sahay la siiyaa
Siloonaa ku can baxay—marna suurad wacanoo
Aan lahayn siyaasoo—seedaha dadkiisii
Soomaali jarayaa—ma sax bey idinla tahay.
Waa kuma siyaasiga dhabtaahi?
Hadaba aan isku dayno su’aashaas jawaabteeda saxdaa inaan helno oo ah (Waa kuma siyaasigU) ama siyaasiga hogaamiyaha dhabtaahi mudan kuu yahay, oo lama huraan ay tahay inuu ruuxaasi inta aanu gaarin qaabka aan u naqaan siyaasiga, inuu buuxin karo sharuudaha dhabtaa ee siyaasiga qofka lagu tilmaami karo inuu leeyahay lama huraanka ay tahay, si aan qalbigeena uga saarno qaladkii aan ka aamin sanayn siyaasiga dhabtaa bal si aan isugu dayno inaan saxno aragtidii hore een siyaasiga ka aaminsanayn, inkastoo la iiga aqoon badan yahay oon taas qirayo hadana xog uruurin iyo baadigoob aan dad iiga haboon aan ka sameeyey, siyaasiga dhabtaahi ruuxa uu noqon karo aan kusoo koobo siyaasiga dhabtaa ruuxa uu yahay qodobadan,
1- Siyaasiga dhabtaahi waa kii leh aqoon iyo garaad buuxa oo ku filan looguna qaymeeyo inuu noqon kara siyaasi bisil.
2- Siyaasiga dhabtaahi waa kii jecel horumar iyo wanaag inuu la tiigsado oo higsadaan dalkiisa dadkiisa iyo qarankiisuba.
3- Siyaasiga dhabtaahi waa kii jecel inuu samo bixiyo umadiisa iyo dalkiisaba saboolka iyo silicana uu ka dhawro.
4- Siyaasiga dhabtaahi waa kii aan umadiisa iyo qarankiisa aan ku badalan sandareeto iyo soor quureed ahayna ruux damaacigaasu geli karo.
5- Siyaasiga dhabtaahi waa kii garan kara siriqda iyo dabinka uu u dhigayo cadowgiisa iyo shisheeyaha aan rabin inuu marnaba horumar gaaro qarankiisu, kaasoo iskala dhiga saaxiib gaara kan ka digtoon.
6- Siyaasiga dhabtaahi waa kii ilaaliya sumcada iyo jiritaanka qarankiisa iyo umadaba, noqdana mid kasbada dadkiisa si uu uga helo kalsooni buuxda.
7- Siyaasiga dhabtaahi waa kii Diintiisa, dhaqankiisa iyo jiritaankiisaba ku badalan mid la amaahiyo.
8- Siyaasiga dhabtaahi waa kii ku haga umadiisa iyo qarankiisaba xeerka iyo sharuucda u dhigan, oo ka dhawrtoon eexda,qabyaalada,iyo nin jeclaysigaba,
9- Siyaasiga dhabtaahi waa kii –u dhaga nugul umadiisa kana ilaaliya aafada iyo dhiilada colaadeed, dhaxal fiicana uga taga umadiisa oo aan xukunka iyo sandanaba ka dhigan miduu leeyahay ama dhaxa uu u helay iwm.
Hadaba aan bal yara jaleecno kuna soo gabagabeyno maqaalkan waa kuma siyaasigu qaybtiisa hore erayo suugaana oo aan ku cabirayno siyaasiga dhabtaa.
Saanadiyo hubkaan culus—socotoo dhacaysiyo
Sawaariiqdan aadmiga—kaga jara naftii sahal
Subaxdiyo alaylkii—siq dhaxiyo dharaartaba
U dhacaysa sabab li’i—joogsanayn sideedaba
Maatadii ka salashiyo—saqiirkiyo dhalaankii
Seexanweydey awgeed—dhaawacu siyaadiyo
Maydka uu sur go’an yahay—sababeen wadaad
Iyo siyaasi xumayaal—soo sheegnay ooh ore
Ma saxbaa dadweynoow—inaan saas ahaanoo
Silica iyo geeridan—sabankaan u naga harin
Sidig aan la noqonaa—sababeen wadaad
Seef la bood ah waalini—iyo siyaasi xumayaal.
La soco qaybta labaad ee murti iyo maqaalkan aan ugu magac darey (Waa kuma siyaasigu) todobaadka danbe hadii Alla idmo, waana Barnaamijkii Saxansaxo- oo ay noo suurageliso soo saaridiisu Shirkada xayiisiinta iyo saxaafada noocyadeeda kala duwan ee loo yaqaan—ADVERTISING RAAS &MEDIA RESOURCE LIMITED.
Waad mahadsan tahiin—sidaas iyo nabad gelyo.
——–
EM- Durta21@hotmail.com ama raasa@hotmail.co.uk
Waa anigoo ah Durraan c/llaahi Shirwac
London/UK.
siyaasi waa nin aqooo uleh diinta islaamka haduu yahay nin an aqoo ulahyn dinta ma ahan siyaasi