Ciidamada Midowga Afrika Ee AMISOM ayaa soo bandhigay Qaab ka ay ugu talo gtaleen inay amaanka dalka ku sugaan xiliga marka la gaadho fdoorashooyinka oo wax yar inaga xigaan.
Afhayeenka Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay dhex-dhexaad ka yihiin siyaasada hadda ka jirta dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay diyaariyeen ciidamo dheeraad ah oo ka howlagalaaya magaalada Muqdisho isla markaana inta doorashada dalka ay ka socoto ay howlgaliyeen Ciidamo Boooliis ah oo la shaqeynaaya kuwa Dowladda Soomaaliya.
Afhayeenka AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan musharxiinta ku sugan Muqdisho ee u tartmaya qabashada xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya ay ammaankooda ilaalinyaan isla markaana shaqsiyaadka muhiimka ah ay siinayaan gaadiidka gaashaaman.
Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay ilaaliyaan xuquuqda musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimda dalka Soomaaliya.
20-bishan sida masuuliyiinta Dowladda ay sheegeen ayaa waxaa lagu wadaa in dalka ka dhacdo doorasho Madaxweyne inkastoo aan la ogeyn sida ay arrintaasi u dhaqan geli karto.