Baryahani Danbe waxa dalka soomaaliya wax laga yaabo ka noqday hadal haynta ugu weyn Ee Ah inay xarakada al-shabaab banaysay inuu yahay shay xalla ah cunida Hilibka waraabaha.
Iyadoona Uu Abuuray khilaf kala duwan culimada soomaaliyeed sikala gadisan uga kala hadleen Cunida Waraabaha oo hada lacagtii ugu badnayd lakala sii sanayo suuqyada Kismanyo
Qoraaga sare ee ku caan baxay Sawirada farshaxanka Amiin Caamir oo loo yaqaan Amin Arts ayaa isaguna Muujiayay dareenkiisa ku aadan cunista hilibka Waraabaha ee todobaadyadaanba muran xoogan uu ka taagnaay.
Culimo waaweyn ayaa si yaabio kala gedisan uga hadashay Arrinkaasi,haseyeeshee Amiin Arts oo looga bartay in uu Muqaal ahana uga hadlo Xaalad kasta ee ka jirta dalka ayaa ku cabiray sawir muuqaal ah ,kaaso markaad daawato aad iska qosleysid.
Waxaa meel geed hoostiis ah ku wada kulmay Nin Ay Kooxda Al-shabaab ka gooyeen gacntiisa iyo Waraabe Aabihiisa La Cunay.
waxana uu ka sawiray qoraalkani iyo sawirkani.