Guddigan loogu magac daray guddiga taakuleynta safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ayaa si rasmi ah looga dhawaaqay magaalada Capetown, waxaana uu guddigan ka kooban yahay 5 xubnood, kuwaasoo ay jaaliyadu u magacaawday inay dhaqaale u aruuriyaan safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika.
Kulanka lagu magacaabay guddigan ayaa waxaa ka qayb galay madaxda jaaliyadda, ganacsato, culumo u’diin iyo bulshada qaybaheeda kale duwan, waxaana mas’uuliyiinti ka qayb galay kulanka ay sheegeen inay soo dhoweynayaan gudigan loo magacaabay inay dhaqaale u aruuriyaan safaaradda cusub ee ay dowladda KMG ah ku yeelaneyso dalka Koonfur Afrika.
Afhayeenka gudigan loogu magacdaray Taakuleynta safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika Bahjudiin ayaa sharaxaad kooban ka bixiyey howlaha ugu horreeyo ee ay qabanayaan isagoona carbaabay magacyada 5-ta xubnood ee Ururkan.
Cabdiraxmaan Shekh Aweys Deexey (Cabdiraxmaan Sagaaro) oo loo magacaabay dhinaca maaliyadda ee guddiga ayaa ballan qaaday inuu si wanaagsan xil isaga saarayo mas’uuliyadda loo igmaday waxaana uu carabka ku adkeeyey inay u duuban doonaan sidi ay ku hirgelin lahaayeen dhismaha safaaradda cusub ee Soomaaliya ee Koonfur Afrika.
Magacaabista guddigan ayaa imaanay xilli dhawaan uu safiirka cusub ee Soomaaliya usoo magacaawday K/Afrika Sayid Xasan Shariif uu jaaliyadda Soomaaliyeed ka codsaday in la sameeyo guddi raadiyo dhaqaalihi lagu hirgelin lahaa safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika, waxaana taasi soo dhoweeyey ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo ballan qaaday inay dhisanayaan dhismihi safaaradda.
Hoos ka Daawo Sawirada