Halkani Riix Qeybti 1-aad Ee Sheekada Haday Ku Dhaftay Akhriso
Halkani Riix Qeybti -aad Ee Sheekada Haday Ku Dhaftay Akhriso
Halkani Riix Qeybti 3-aad Ee Sheekada Haday Ku Dhaftay Akhriso
Halkani Riix Qeybti 4-aad Ee Sheekada Haday Ku Dhaftay Akhriso
Qeynti Hore waxay inoo Maraysey,Raaxo: macaanka najmo waxeey iisheegtay in aadan i jecleyn oo aad dankale iga leedahay e maxaa kajiri kara.
Cabaas oo wijigiisa is badalay ayaa ku jawaabay……..
Qeybta 5aad
Raaxo ayaa isku dayday inay kor iyo hoos wixii jiro ka dhaa dhacsiiso , ugu danbeytiine waa u suuragashay, balse cabaas oo dareensiinaya in uu gacalisadiisa ka qancay misana u digaya ayuu ku yiri: Macaant , waan kaa qancay , balse hadii aad wax iga qarsato ogoow waa wax adiga ku dhibi doona!
Raaxo oo areygaasi dhibsatay ayaa ayada oo hoos u jeeda misane indhaheeda ilin ku is taagtay ku tiri:
macaanka insha allah ma dhaceeyso in aan wax kaa qarsado oo waxaanba rajeynayaa in aad noloshayda oo dhan hantiso, marka maba jirto sabab aan wax kaaga qarsado.
Cabaas oo dhankiisa ka xanuunsaday in aay gacalisadiisa ilmeeyso ayaa ku yiri:
Macaanto, lagama yaabo in aan marnaba nafsadada dhib ama xanuun dareensiiyo, marka iska saar wixii aad tabanaysid, aniga markasta waxaan ahay dhankaada, waxaadna noqondoontaa caruurteyda mamadood insha allah, macaanto ogoow in aan si xaqiiq ah kuu jeclahay, ayuu si hoose oo naxariis ku dheehantahay ugu sheegay Gacalisadiisii.
Cabaas iyo Raaxo ayaa maalintaas farxad ku soo dhameeysteeyn kulankooda qaaliga ahaa.
ugu dambeeyn, xiligii maqribka ayaa cabaas lasoo sagootiyay asiga oo faraxsan soo aaday xaafadiisa
dhanka kale NAJMO ayaa ku mashquulsaneyd sidii aay cabaas ku soo jiidan laheyn oo aay ugu bandhigan laheyd jaceylka weyn oo aay u qabto.
Najmo ceyb ayeey la aheyd in aay cabaas jaceyl u bandhigto asagoo xiriir la leh saaxibteed Raaxo
basle Najmo ayaa goaan ku gaartay in aay raaxo ku noqoto oo aay ogaato bal waxa aay sameeysay iyo in aay cabas wali wada socdaan.
Najmo: saaxibeey ka waran caafimaadkaada, maxaad ka qabatay sirtii aan kugu qarsay , waad ogtahay in aad tahay qof aan jeclahayee?
Raaxo: macaanto aan runta kuu sheegee cabaas waa qof aan jeclahay, marka ceyb ayeey ila noqotay in aan ula tago hadal aay qof kale isheegtay.
Najmo oo hadalkaaasi dhaawac weyn u geeystay ayaa ugu jawaabtay:
”Saaxibeey hadii aad ku qanacsantahay wiil xun oo ciyaal suuq ah haddana wax uu yahay jirin in uu ku qiyaano oo madaxaada nolol sare ku gaaro, dabcan waa hoowl adiga ku taal , balse ma jecli aniga in saaxibteey qaaliga ah xanuun loo geeysto, waana sababta aan hadalka sirta ah kuugu qarsaday, ee isku day in aad xiriirkaasi iska deyso waana iga talo, hadaad wax iga maqlaysid.
Raaxo oo shucaac weeyn ku furmay oo dhidid waaweeyn ka soo daatay ayaa isku dayday inay u jawaab celiso Najmo, balse hadalkii ayaa ka soo bixi wayay
Najmo oo hadalka wadato ku tiri: Yarta goaanka yuuna kugu dheeraanin ee sheekada ciyoow meel iska saar, afkeenana waa isku amaan ee mac-salaamo
Raaxo ayaa mudo 3dex maalmood ah ka fikireeysay hadalkaan. mise wereeysi hoose la yeelatay dad u dhawaa cabaas, ma aysan ka helin jawaab aay ku qanacdo.
ugu danbeyti waxey goaan satay in aay cabaas u sheegto wixii jiro , ayada oo dhanka kale ka baqeysay in aay gacaliyaheeda halkaasi ku weeyso.
Lasoco Qeybta 6-aad Ee Sheekadani.
Kala soo Xrir Emailada Hoose
Wan lasocona ilaa aan ka maqlo natiija qisada waxan adaa qebta 6