Qeybahii Ku Dhafay Halkani ka Akhriso
Halkani Riix Qeybti -aad Ee Sheekada Haday Ku Dhaftay Akhriso
Halkani Riix Qeybti 3-aad Ee Sheekada Haday Ku Dhaftay Akhriso
Halkani Riix Qeybti 4-aad Ee Sheekada Haday Ku Dhaftay Akhriso
Halkani Riix Qeybti 5-aad Ee Sheekada Haday Ku Dhaftay Akhriso
Waxay Inoo Maraysey Qeybtii Hore Raaxo Oo mudo 3dex maalmood ah ka fikireeysay hadalkaan. mise wereeysi hoose la yeelatay dad u dhawaa cabaas, ma aysan ka helin jawaab aay ku qanacdo.
ugu danbeyti waxey goaan satay in aay cabaas u sheegto wixii jiro , ayada oo dhanka kale ka baqeysay in aay gacaliyaheeda halkaasi ku weeyso.
qeybta6aad
Raaxo ayaa muraga iyo fikirka aay ku jirtay dadka oo dhan ka dareemen oo isheeda ayaa god dheer gashay
raaxo waxaa qabsatay LABO DARAN MID DOORO.
ugu danbeyntii waxeey go’aanstay in aay Cabaas u sheegto oo hadalka mug mugdiga ka saarto cabaas ayaa markii uu telfoonka qabtay ku bilaaway:
Gacaliso aad baan kuu salaamay.
Raaxo: Gacaliye qalbigaa kaa gudoomay ee ka waran caafimaadkaada salaan iyo is wareeysi gaaban ka dib raaxo ayaa sheekada ku bilaawday:
gacaliye meel kaligaa ah waliba buuq la’aan ah tag si aan wax kuu weeydiyo.
Cabaas: waanba joogaa oo qolkeeyga jiifka baan ku jiraa ee maxaa daran qaaliyeey?
Raaxo: Ok Fadlan albaabka xero si aanan qof kuugu so galin.
Raaxo oo dhidid waaweeyn ka socdo oo wadnaheeda si aan caadi aheyn u garaacmayo kana cabsi qabto in uu gacaliyaheeda ka niyad xumaado ayaa ku bilaawday:
Macaanka run iyo ilkaba waa la cadeey, qabri iyo ninkii loo wadane lama kala qariyo ee waxaan rabaa in aad iga qanciso arin maalmahaan oo dhan igu soo noqnoqoneysay balse waa in aad i balan qaadaa in aadan qalad i fahmin oo aadane iga xumaan waa hadii aad dhab i jeceshahay.
Cabaas: macaanta maku fahmin ee hadalka i furfur
Raaxo: macaanka shaki kuma jiro in aan ku jeclahay balse , ii sheeg maxaad iga damacsantahay aniga oo hamigaada muxuu yahay?
Cabaas: wali si fiican kuuma fahmin oo waxaan dareemayaa in aad wali wax qarineeyso
Raaxo: macaanka waxaa isoo gaaray war sheegayo , in aad rabto in aad i qudbo sireeysato oo marka aan tago SWEDAN aan kuu soo dacwoodo oo aad sidaas igu dangaarto, FAR IYO MEEL BUGTO AYAA IS OG AYAA LA DHAHAY , oo xalay ayaadba iga codsatay guurka qudbo sirada ah, adiga oo awood u leh in aan aroos caadi ah wada galno !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Cabaas: macaanto hadalkaasi yaa ku soo gaarsiiyay oo ma Najmo ayaa weerar kugu soo qaatay?
Raaxo: cabaas hadalka cadeey oo wax kasto oo aad iga damacsantahay waad i sheegi kartaa , in aad madaxeyga swedan ku tagto wax weyn mahan oo wax walbo waxaa ka muhiimsan kalsoonida ee hadalka ii cadeey.
Cabaas oo waran weyn ku taagmay ayaa wax uu ku hadlo garan wayay mise marmarsiiyo oo dhan u wayay.
Cabaas: macaanto waxaa tahay qof hadal lagu soo qufulay qaab aan kuu qanciyo ma kasaayi aniga.
Raaxo: cabaas hadii aad is dhahday raaxo waa ku jeceshahay hadalne makugu soo celin karto .. ogoow in aadan isoo raadin karin adiga oo aadan i wadin jawaab aan ku qanco hadane macsalaamo
Cabaas: saas ha u hadlin ee isku day in aan wax iska dhaadhicino.
Raaxo: calaa iyo xaal , hadii aan mudo labo maalmood ah wax jawaab ah kaa waayo, macnaheda waa in aadan dan iga laheyn oo aad daneeste tahay hadane kheyr baan kuu dhaafay ee macsalaamo.
Cabaas ayaa indhihiisa ilin ku soo istaagtay, oo wax kasto oo uu sameeyo hurdo oo dhan iska wayay
Cabaas ayaa dhowr jeer isku dayay in uu waco raaxo balse telfoonka ayaa laga qaban wayay hadii laga qabtane waa lagu daminayay, raaxo marka oo ay telfoonka ku damineeyso maka wadin xumaan e waxeey ku mashquulsaneeyd murug naxdin iyo waliba ooyin Raaxo aaya ka baqeeysa in uu cabaas aflagaadeeyo ama uu ku dhaho wixii maanta ka danbeeyo walaalo ayaa nahay iyo wixii la mid ka ah dhanka kale Najmo ayaa ka warsugeeysay raaxo.
labo maalmood ka dib ayeey Raaxo wacday Najmo
Najmo: salaan sare qaali, aqbaar ayaad i heeysa ayaan filayaa maanta
Raaxo: haa balse ii imaaw oo murug tii la dhahaayay haa i jijibisaye
Najmo: maxeey tahay muragada ku haysa oo kaa maqan?
Raaxo: haa abaayo cabaas ayaan kala xanaaqnay oo mana isoo wacyo anigane ma waco
Najmo oo ku faraxday hadalkaas ayaa ku dhahday:
see wax u jiraan ?
Raaxo: hadalkii aad i sheegtay ayaan ku qabsaday , jawaabne maka sugin oo ilin ayaa iga soo daadatay telfoonkane waan ku damiyay
NAJMO AYAA NIYADA ISKA DHAHDAY , GOOLKII AAN RABAY WAAN DHALIYAY OO WAA XILIGII AAN CABAAS JACEYLKEEYGA U BANDHIGAN LAHAA
Najmo: macaanto hadii uu dacad yahay asiga ayaa ku soo raadinayo balse asiga oo aan waxa jiro oo dhan kuu sheegin haka yeelin, aroos qarsoodina haba ka yeelin.
Lasoco Qeynta 7-Aad Ee Sheekadani.
Kala Soo Xirir Emailada Hoose
Asc Dhaman shaqalaha sharafta Leh ee Webka Saidka ucaanbaxay ee Marqaannews Anigo ah Taxanaha had iyo jeer Ka dhuuxa Faaiidada uu soo bandhigo Webkan Waxan codsanaya oo aana Xaq uleeyahay In Dhaloo Dhameeyo shekadan Jahwareer jaceyl sida ugu dhaqsida badane wa hadii la awoodo hadalkeeygane amar ma ahan ee Waa codsi
Horaa loo yiri naag saxiib maleh marka raaxo waxbaa haysta sorry
Wlh nag sxb magasho palse waxan rajayna gusha iney qado raxo
Wlh wey igu socota shegadan lkn maga heraayi ilaa aan gagaro natiijada hada waxan adaa qebta 7