Booliska wadanka Pakistan ayaa maanta shaaca ka qaaday iyo hooyo aabo u dhashay isla dalkaasi ay nolosha ku gubeen gabar 15 jir ah oo ay dhaleen kadib markii ay arkeen iyadoo la sheekeysaneysa wiil dhalinyaro ah.
Sarkaal u hadlay booliska Pakistan oo lagu magacaabo Dahir Ayub ayaa u sheegay wakaalada AFP in aabaha dhalay gabadhaasi oo lagu magacaabo Maxamed Dafaara uu arkay gabadhiisa Anfuushaa oo la hadleysaa wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa afaafka hore ee gurigooda oo ku yaala.
Gubida loo adeegsaday aashidada ayaa dhaawac xun soo gaarsiiyay gabadhaasi, sida uu sheegay sarkaala u hadalya boliiska.
Odayga oo haray shaki u qabay ayaa si aad ah uga carooday arinta shukaansiga ah ay gabdhiisa ku kaceyso taasoo keentay in ay isaga iyo xaaskiisa ay si aad ah u garaacaan kadibna ay ku gubaan aashito.
Sarkaala boolisa ayaa ku waramay in gabadha uu soo gaaray dhaawac xun oo gubasha markii ay ku gubeen aashitada, isagoo intaasi raaciyay in gabadha aysan u soo qaadin isbitaal loola tacaalo xaaldeeda caafimaad, taasna ay keentay in haatan dhaaceeda uu yahaday mid aad u culus iminkana lagu dabiibayo.
Arintaani la yaabka leh ayaa ka dhacday goboka Kashmir qaybta ay Pakistan maamusho.
Waxaa Qoray
Maxamed Cali Aadan
MCA11@hotmail.com
waa reer dhaqan leh maxay iyadu hooyadeed iyo aabaheed oo aan raali ka ahayn shukaansiga ula soo doonatay mida kale waxaan is leeyahay ninka ayay garanayeen oo hore ugala hadleen miskiinad muxuu qooqii utaray
gabdhaha yaryar ee qurbe joogta ah intooda badan ayaa ubaahan in hooyadan iyo aabahan loo dhiibo si ay u edbiyaan oo dhaqan celin ugu sameeyaan kuwan iyagoo qaawan isa soo sawiraya yaa qoyskaas yiraahda xarun dhaqan celis furta
waxay ila tahay in ay qaldan yihiin aaaad wlaiba qalad maha waa jurmi ama dambi weyn ay ka galeen insaaninimo iyo ilahayba. aakhirana walasuaalaya nafta ay jareen. wayo qofka bani adanka naftiisa in lagooyo ilahay ayaa udhigay sababo ama shuruud lagu jaro waxana ka masuul noqonaya xadka in la uu qabto markaa waliga am masuulka wadanka. maaha in iyagu xataa haday ahayd waxay ku arkeen sino uma laha xaq inay jaraan nafteeda. waxaana ku tilmaami karaa waalidka saa ah inay yihiin kuwa xanuunsan oo dawo ubaahan xaga nafsiga ah.
Inaaa lilaah
naxariis darnaaa aabahaas
ayaga madhalin ayaan u maleyn wey soo koriyeen
shukaansi maxuu dhibaa
kor iyo hos nin wey ku dari lahaayeen
diinta muslin xitaa ma dhigeyso ciqaabta intaas la eg
ilaah hanaga koryo
Aabahaa iyo hooyadaa waykusaxanyiin waxaanasidaa ubaahan hablaha qurbaha
asc kuma sax sana arintaa waayo shukaansigu wax hadda cusub ma aha,hooyada iyo aabaha gubaya gabadhooda iyoguba waa is soo shukaansadeen
waxay ku arkayn . Wiilka oo faraxumaynayo gabadha.hoyada iyo aabahane waxay ahaayen kuwa sharaf leh , waxay isdhahay yeeysan gabadhina sharafta niga qaadi markas ayay gubayn gbrta