Manchester United ayaa labo gool iyo gool ku dirtay kooxda Arsenal oo marti ku aheyd garoonka Old Trafford, iyadoo Van Persie uu shabaqa ka soo taabtay kooxdiisii hore, islamarkaana Arsenal ay ciyaarta ku dhameysatay 10 ciyaaryahan.
Seddex daqiiqo markii ay socotay ciyaarta Manchester United ayaa durbaba gool kaga naxsatay Arsenal, markii Rafael uu kubad aan sidaas u xoog badneyn ka keenay dhanka midig, laakiin daafaca Arsenal Vermaelen ayaa qalday inuu si wacan u bixiyo waxaana uu hadiyad ahaan u siiyay Robin van Persie kaasoo shabaqa si halhaleel ah ugu hubsaday.
Van Persie ayay u aheyd kulankaan kulankisii ugu horeysay ee uu ka horyimid kooxdiisa hore ee Arsenal, waxaana uu ku salaamay gool, inkastoo uu doortay inuusan dabaaldegin.
Daqiiqadii 20aad ayaana Van Persie uu ku dhawaaday inuu mar kale shabaqa ka taabto kooxdiisii hore, iyadoo kubad uu u soo dhex bixiyay Rooney, balse isku daygiisii waxaa ka beeniyay goolhaye Mannone, kaasoo si wacan u badbaadiyay fursadaas.
Seddex daqiiqo ka dib Arsenal ayaa weerar uga jawaabtay hanjabaada RVP, waxaana dhanka midig ka soo xarooday Ramsey, kaasoo darbo xoogan oo uu la beegsaday goolhayaha uu ka tufay goolhaye De Gea.
Daqiiqadii 27aad goolhaye Mannone ayaa fursad kale oo qatar ah ka badbaadiyay Wayne Rooney oo darbo xoogan ka helay albaabka goolka ee dhanka bidix, laakiin goolhayaha Talyaaniga ayaa kubada iska tufay.
Dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta ayaa Arsenal laga dhigay rigoore ka dib markii kubad uu soo tuuray uu gacmaha ku celiyay Cazorla kaasoo u muuqday inuu wajiga ka ceshanayay kubada, taasoo keentay in Arsenal ay ku doodo inaysan rigoore aheyn.
Laakiin garsooraha ayaa ku adkeystay inay rigoore tahay waxaana u soo istaagay Wayne Rooney kaasoo tuuray rigoore aad u liidata isagoo banaanka marsiiyay kubadii uu tuuray islamarkaana rigoore ka qasaariyay kooxdiisa
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda Manchester United.
Bilowgii qeybta labaad ayaa Man United ay qarka u fuushay inay u labeyso Arsenal ka dib markii Robin van Persie uu mar kale kubad ka dhacay Varmaelen, taasoo u saamaxday inuu baas fiican dhanka midig uga soo dhigay Valencia oo hortaagnaa goolka Arsenal laakiin kubada ayuu Valencia lugaha la waayay.
Daqiiqadii 54aad Olivier Giroud ayaa u soo dhawaaday inuu u barbareeyo Arsenal markii uu kubad fiican ku helay goolka agtiisa laakiin dadaalkiisii waxa ay keentay inuu shabaqa banaankiisa toogto.
Van Persie ayaa mar kale fursad ku helay kooxdiisii hore daqiiqadii 66aad markii uu daafacyada Arsenal ku qiyaanay xariiqda offside-ka isagoo kubad qatar ah ka helay Ashley Young, laakiin fursadiisii uu ku hortaagnaa goolhayaha ayaa noqotay mid uu tuuro kubad aan xooganeyn oo u sahashay Mannone inuu kooner u bixiyo.
Koonerkii oo ay baasteen United ayaana keentay in Wayne Rooney uu karoos soo dhigo waxaana madax la helay oo shabaqa ku hubsaday Patrice Evra. Iyadoo ciyaaryahanka Faransiiska uu hogaanka u sii dheereeyay kooxda martida loo ahaa.
Xaalada Arsenal ayaa ka siio dartay markii Jack Wilshere uu jaalihiisii labaad ku qaatay qalad uu ku galay Patrice Evra taasoo keentay in garsooraha uu casaan siiyo islamarkaana ciyaarta ka saaro, iyadoo ciyaarta ay 20 daqiiqo ka harsan tahay ayay Arsenal ku soo hartay 10 ciyaaryahan.
Arsenal ayaana hal gool soo ceshatay ilbiriqsaydii ugu danbeysay ee ciyaarta markii uu Santi Cazorla kubad qurux badan dabamariyay David De Gea.
Guushaan ay ka gaartay Manchester United ayaana ka saacideysa ugu yaraan saacado sii hayaan hogaanka horyaalka Premier League iyagoo leh 24 dhibcood, madaama Chelsea oo leh 22 dhibcood ay goordhow la ciyaari doonto kooxda Swansea, oo hadii ay badiso ay ku soo laaban doonto hogaanka Premier League.