Manchester City ayaa lumisay natiijo fiican ay ku gaari lahayd Manchester United oo caawa la wareegtay hogaanka horyaalka Premier League.
City ayaa waysay caawa hal gool oo ugu yaraan Fooqa sare ay kula hooyato kooxda ay dariska yihiin.
Kooxd West Ham ayaa ku qanacsanayd bar bardhaca o-o ay gurigeeda ay kula gashay kooxda sanadkii hore ku guulaysatay koobka dhagawaynaha ah.
Bar bardhaca ay galeen kooxaha City iyo Chelsea ayaa ka dhigaya in hogaanka ay qabato kooxda Manchester United.