Waxan gabaryaheey ku siineysa dhowr calamadood oo dhab ahaan kuu muujinaya in aadan xaas marnaba u qalmin .
*Haddii ninkaada uu soo galo guriga oo aadan ka tagin shaqo waliba oo aad gacanta kula jirtay kana hortagin si aad ugu qaabisho dhoola cadeynta hadaba xaas ahaan uguma qalantid , haddii ninkaada uusan guriga ka heleyn qof iloowsiisa daalka shaqada hadaba maxay tahay faa`idada
ku jirta in aad xaas ahaato .
* Haddii ninkaada uusan ka heleyn cunada aad gacantaada ku karisay oo banaanka ka soo cunteynayo , dharkiisana goobaha dharka lagu dhaqo geeysanayo hadaba ogaaw xaas uma qalantid .
* Haddii ninkaada uu caroodo(Xanaaqo) oo aad kun eray ku sii cel celiso adiga oo codkaada dariska maqalsiinaya hadaab xaas uma qalantid Ogaaw ninkaada waxa uu ku soo daalay cadaadiska nolosha iyo hunguri raadintiina mararka qaar neerfooso ayuu noqon karaa waxa uuna doonaya haweeney dajisa mar waliba .
* Haddii ninkaada aad guriga meel ka wada faristaan halka jirkaada uu soo buuqayo (shiirayo) ama dharkaada loo adkeysan karin hadaba xaas uma
qalantid , waxaa haboon in haweeneyda ku jirto muuqaal kan ugu qurxoon marka ninkeeda ay la joogto .
* haddii waqtiga salaada la gaaro oo aad ninkaada u kicin salaadda kulana talin in wax yaabaha xaaraanta ka fogaado iyana waxa ay muujineysa in aadan
xaas u qalmin .
* Hadaadan ihtimaam iyo dareen aadan siin ninkaada marka uu kula hadlayo oo aad kaga mashquusho PC-ga ama Tv-ga halka ninkaada arin muhiim ah.
kuu hayo iyana waa arin kale oo xaas uma qalantid , waxaa haboon in haweeneyda dareenkeeda dhan isugu geyso dhageysiga ninkeeda marka uu la
hadlayo .
WAA TALOYIN WANAGSAN WAD KU MAHADSANTIHIIN BAHDA SHABAKADDA MARQAANNEWS WAXANA RAJAYNAYA INAY NOQOTO TALOYINKII AY KU WAANA QADAN LAHAAYEEN DUMARKA MUSLIMAADKA AH EE MAANTA EE SOOMAALIYEED WABILAHI ATWOFIIQ.