Lamaanayaal jacayl wadaag ahaa, islamarkaana jacayl soo jilaayay muddo ka badan afar sanadood ayaa maalintiiugu horaysay ee Meherkooda si yaab leh isku calfan waayay oo ku kala tagay xafladii meherka oo ka dhaceysay Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho.
Sida warku uu sheegayo iyadoo ay socoto xafladii meherka, islamarkaasna ay fadhiyaan Sheekhii gabadha mehrinayay iyo labada ehel ee wiilka iyo gabadha ayaa waxaa gabadhii oo lagu magacaabo Mushtaaq Maxamad waxaa soo wacay walaalkeed oo ku maqnaa dalka Mareykanka, kaas oo u sheegay in sedex maalin ka dib ay timaado dalka Kenya.
Islamarkaasna uu u soo dhameeyay leyn dibadeed oo dhoof ah, waxayna gabadhii dalbatay inay ka baxday balantii guurka, isla markaasna arrinka mar kale laga dhigo, taas oo la yaab ku noqotay dadkii Xafladaas.11/17/12 Lamaanayaal Soomaaliyeed 4 Sano Jaceyl Isla Soo Jilayay Oo Daqiiqadihii Meherkooda Si La Yaab Leh…
Gabadhii ayaa intii aysan dalban in meherka dib loo dhigo waxaa walaalkeed u sheegay in uusan wadi doonin haddiiay nin guursato.
“Haddii aad nin guursato waan kaa kansalaa dhoofitaanka gabadha kaa yar ayaana ku bedelayaa ee la soco” taasina waxay keentay in gabadhii qolkii meherka uu ka dhacayay ay orod ku gasho kuna tiraahdo culimadii iyo akhiyaartii kale “aniga meherka waan ka talo baxay ee nabadey” waxaana halkaasi naxdin kula suuxay wiilkii oo garan waayay halka laga asiibay.
Labada qoys ee gabadha iyo wiilka oo arrintaas layaab iyo filanwaa ku noqotay ayaa waxaa la go’aamiyay in qoyska gabadha loo daayo inay arrinka soo baarayaan dibna meherka laga dhigto, waxaase la sheegay in meher dambe aanu dhicin ka dib markii gabadhii u dhooftay dalka Kenya.
Waxaa haatan socota waan waan ah in wiilka lagu mehriyo gabar ka yareyd saaxiibtiisii balanta guurka uga baxday ee dibada ka dooratay, in kastoo uu wiilkii arrinkaasi ka biyo diiday, wuxuuna reerkii gabadha ka dalbaday inay u soo celiyaan lacag gaareysa kun doolar oo uu gabadha siiyey iyo qarashkii uga baxay xafladda Meherka, in kastoo ay reerku diideen bixinta lacagta uu dalbaday.
Akhristoow dhacdadaan cajiibka ahi mid lamid ah horay goob joog ma ugu soo aheyd ama mala kulantay…………….?
waan ku salaamay waad ku mahadsan tahay aniga taloo kale imay soo marin laakiin waxaa isoo martay gabadh aanu yaraan isku jeclaanay oo muddo badan aanu is jeclayn ayaanu kala lunay burburkii mid kaayaba meelbuu gabalkii daraa ee soomaali udhacay noogu kala dhacay waanu yaryarayn oo maanaan garan is doontee midkaayaba dhinac buu udhaqaaqay gabadhu waxay ahayd wax ilaah qurux ku manaystay oo nin kastoo arkaa aanu deyneyn qiimo kasta haku tagtee gabadhii markii aanu muddo isla.ayn bay inan ay isxigaan guursatey waana isla tahriibeen oo reerkoodaa udiidanaa,yaan idinku dheerayne intaas war doon iyo raadin aniga ah bay ku jirtey maalintii danbe ayaa lagu sheegay in aan dalaka joogo oo aan ganacsi ku jiro anigu markii lay yiri guursatey ayaan go,aansaday in aan iska daayo balse marna xasuusteedu igama dhamaan oo markastoo aan gabadh arko aan ubogo iyadaa i hor imaan jirety qoftii waxay guursatey guur aan jacayl ku dhisnayne inankii ayaa wuxuu arkaa iyadoo sawiro aan leeyahay haysata ilaa uu usoo dhuuntay iyadoo dhunkanaysa kaaga sii darane wiilka waanu isnaqaaney oo isku ciyaal baanu ahayn kuligayo ,muranbaa ka dhex bilawday ilaa ay runta usheegtay in ay ijeceshahay aanayna i ilaawi karin balse hadeer ay tahay xaas nin oo isaga la noolaanayso,
maalin maalmaha kamid ah ayay goosatay in ay soomaaliya soo aado waa ay timi magaaladii aanu kusoo wada kornay ,dabadeed waxay utimi walaashay oo isku kaaya ogayd balse wadaad noqotay oo in la guursadey ka war haysa way iweydiisey waxay usheegtay magaalada aan joogo iyo in aan imaanayo waxay ku tiri ilasoo socdsiimarkuu yimaado odaygaygii baan fariin uga sidaaye, intii aanan imaan ayay ninkii isku dhaceen oo uuyiri waraaqdaadii waa taas aniga iima maqnid mana garanayo sababta aad soomaaliya ujoogtid anigu war ma qabtaan ahay walaashay bay utimi oo uwarantay oo tiri ninkii waanu kala tagnay,meeshii bay degtey wadaad bay noqotay waa xijabatey maalintii danbe ayaan imi magaaladii anigoo gaadhi wata oo isla maalintaas doonaya in aan ka safro taar aan ka hadlayey ayay soo gashay mise anigii baa fadhiya meeshii bay igula hadashay ,nasiib daro maan garan waan salaamay oo iska dhaafay way iga dabo timi way isu kay sheegtay maalintii ayaan ubaaqday waan waraystay way iiwaran tay in ay madax banaan tahay,waxaa dhacay labo kaclayn jacayl HALKAAS MAANTA HAYNOO JOOGO WAA INOO QORAALKAYGA DANBE
Kkkkkk
yasalaam odey hore waad ka baxsatey lkn waa been taada kkkk
Loooooooooooooooooool ani waxba ma arag noocaas
Waa qiso xanun ah
oday hore qof sheekooyinka qoraad tahay malaha ta sarena adaa qoray good job looooooool
Sxba yaala aniga waxaan mudo wada soconay gabar reer afgooye ah iyaduna wax barasho ayey ku jirtay ana dugsi sare ana jaamacad qoftii aad ayaan isku fiicneen waliba markaan ka xanaaqo way oon jirtay marka danbe waxaa dhacday inay iga raacday lacag waloow ay ku andacooto waalidkaa igu khasbay kwrama dumar la iskuma aamini karo ee iska ilaaliya sxbo yaal
Gabdheheena macaanka badan ee ud,goon,ka badan ee naxariista badan meel hakaga dhicina kama,suurowdo hablaheena ogaada qof xun wuu jiraa raga ayuuna kubadan yahay nin waliba ugu yaran 2gabdhod ama kabadan ayuu jacayl kagabaxaa gabdhuhu dhibkooda waa qar,shaan xishood dartii hada waxa aad qorteen waad alifteen sidaan anigu kadhadhamiyay walaalka fiisaha soodiray ilbiriqsi ma,isaga guur,sanaya muu horay ugu qanciyo inay walaa,shiis guur kafogaato kumananka laysu haystana xagay kubaxeen waxba lama meherine 4sano jacaylka ladhisayay ee saacado lagu afjaray sheekada haday dhacday xataa wax baa kabadalan
al xaqiiqa way dhici kartaa waa wax macquul ah hada tan meherleeba diidee qaaraa ayagoo shan dhal ah caruutooda iyo gurigooda katahriibay buufis dartiis
waa sheeko xaqiiqo ka fog hablaha beenta ka dhaafa jacaylkii sanooyinka soo socday ilbiriqsi kuma dhamaan karo dhoofna kama dooran karo ilaaliya sharfata hablaha waa hooyo walaal xaas iyo midaad dhasheene hadiiba ay dhacdona nabsigu waa beer ay beeratay oo miraheeda goosan doonto
akhyaaray anigu borbaan jeclaa in badan iyaduna wa ijeclayd waxaanan ku balan sanayn in aan isguur sano sida ugu dhakhsaha badan anigoo ku jira udaar garawga xalada guurka ayan qarax muqdisho kadhacay kudhimatay ilaahadana wan ilawi laahay
Sheeka marqaan ahaaaaaaaa kkkkkkkk i like it blse waa been