QISO JACEYL(MNO):-Adunyadu waa imtixaan waa dhibaato iyo murugu badantahay dadka isku si uma soo wajahdo waxa ayna qof walba ku qaabishaa waji gooniya dadka qaarbaa farxad iyo reyn reyn ku qaata waqtigooda inta badan halka ay kuwa badan la noolyihiin murugu ciil iyo uurkutaalo iyo caro ma hadha ah.
Qisadaan waa qisa dhab ah oo ka dhacday Soomaaliya qaas ahaa Gobalada dhexe ee Soomaaliya waana qiso aad u xanunn badan oo aan ugu magac daray ILLEEN JACEYL WAA LOO DHINTAA!. Hadaba aqristoow sifiican u dhuux qisadan xanuunka badan iyo sida ay wa u dheceen. Axmed-yare wuxuu kamid ahaa ardada wax kabarata dugsiga Mujamac ee Magaalalada Baledweyne ,waxaana maalin maalmaha kamid ah ay isbarteen gabar lagu magacaabo Suleeqa oo iyana kamid aheyd gabdhaha wax ka bata isl dugsi islamarkaana dhigata fasalka amma galaas-ka kahooseeya.
Suleeqa iyo Axmed barashadood kadib waxaa ku dhax abuurmay jaceyl xad dhaaf ah uu midba midka kale u qaado ilaa iyo dhammaan laga ogaado iskuulka ,macalimiintana ay kawar helaan xanta jaceylka lamaanahan .
waxana ay noqdeen kuwa iyaga si gooni ah isku tix galiya markastana wada jecel in ay waqtiga isla qaataan ,waxaana caashaqa midba midka kale uu uqabo uu gaaray in haddii aysan isla joogin la iska maqlo taleefoon. Nin aduunya joogow maxaa aragti kuu laaban! .
Axmed iyo Sulaaqa waqtigii aas-aaska jaceylkooda waxa uu waqtiga ahaa mid u hiiliyay iskaba dhaaf in xitaa ay dhibaato arkeen saacad-na iskumey dhaafin in ay isqoonsadaan oo ay murmaan, waayaha aduunyada koley waa cibaaree,cadceedii bidhaantana waxey caan ku noqotaaye ,lamaanahan waqtigoodii hore iska wabxiyay jaceyl xidida mutay ,oo axdi iyo aaminaad-na ay lagu heensimay muddo sadex sano (3- sano) kadib waxaa leysla meel dhigay in geedkii jaceylka ee in muddo ah lawa raabinayay laamo ubax lehne soo baxshay in mirihiisii lagurto. Axmed-yare iyo Suleeqa ayaa isku afgartay in ay reer yegleelaan oo ay hooy qura kuwada noolaadaan .
waxaana Axmed uu Suleeqa ka codsaday in ay fursad siiso si uu waalid-kiis ugu wargaliyo isagoo islahaa waa bishaaro cusub ,hasayeeshee Suleeqa wey ka aqbashay laakiin maxaa dhacay?
Axmed iyo hooyadii maxaa dhaxmaray? Axmed oo ahaa agoon Aabahii geeriyooday islamarkaana ahaa kan uguweyn amma curadka reerka ,wuxuu aaminsanaa in haddii Hooyadii usheego arintan ay tahay mid ay ku farxeyso laguna taageeri doono ,Axmed-yare waxa uu yimid Hooygiisa oo kuyaalla xaafadda Kooshin ee Magaalada Baledweyne waxa uuna durbadiiba uu bilaabay in uu lafaqo Hooyadii uu arintii u bandhigo .
Hooyo Sareedo oo aheyd Maamada Axmed waxa ay usheektay in arinkaasi uu yahay mid wanaagsan haddii uuba rabo in uu guursado iyduba jaceshahay laakiin ay horaba ugu doontay Nasra oo ay habaryartiis dhashay islamarkaana ay suleeqo isku fasalyihiin. Iintii aysan usheegina uu kasoo hor dhacay ,Axmed ayaa durbaba bilaabay in uu ku cataabo Hooyadiis ,kana codsaday in ay iska hilmaanto Nasro aa ayku taageerto jaceylkiisan uu rabo in uu la Aqal galo.
Ninba waayihiisaa Waalo loo tumaa ,Labo kala barisayna kala war la. Hooyo Siraad ayaa usheektay wiilkeeda Axmed in loo taliyo uu qaato hadalka Waalidkiis, marnaba aysan Nasro mooyee qof kale uu san Nolosha laqeybsan doonin.
Axmed wixii habeenkaasi kadib waxaa ubilaabmay jawi murug iyo fakar ku dhisan ,Habeenkiina ma Ladin ilaa uu waaga soo gaduudto,waxana uu Suleeqa usheegay in arintii ay waali-kiis ku gacan seereen ,waxaana isku calaacal kadib leysla meel dhigay in aan lakala maarmin, oo nafta leysku hurayo.
Axmed ayaa Taleefoon kuwacay Nasra una sheegay waxa taagan ,bal xageeda si uu ciirsi uga helo,hasa yeeshee waxey usheegtay in ay horay udiiday laakiin duco iyo habaar la hor dhigay oo ay arintu tahay labo daran mid dooro,Nin dan leh madaalee Axmed-yare waxa uu mar kale ku soo noqday Hooyo Siraad uu intuu Gar-ka iyo jilbaha qabsaday ka codsaday mar kale taageero jaceyl-kiisa ah ,laakiin maamo Siraad waxa ay Axmed usheegtay in Maalita Bariya maaha saadanbe uu Aqal galayo.
Warkii hore war soo dhaaf ,Axmed waxaa mar kale u Baryay waa cusub wuxuuna Hooyadii usheegay in aysan dhici karin uu danida katagayo haddii aan arintiisa loo meel marin .
Hooyo Siraad ayaa int dhoola cadeysay kuna tiri waa laguu taliyaa ee adiga ma talis war maqal!!!!!! Axmed inta uu Ilmeeyay ayuu kuceliyay mar kale in uu Aduuyada ka tagayo haddii uusan helin Suleeqa ileenwaxa gubaya gantaalada caashaqa ,taa badalkeeda waxaa murugada laqabo oo fakarta dartiis daamanka u qormeen Suleeqa.
Dhamaadkii dunida axmed iyo dhaawacii iyo daruuftii Suleeqa!!!!!! Axmed ayaa tagay goobaha Magaalada Baledweyne looga iibiya sunta cayayaanka wuxuuna soo gatay sun ay Tayadeedu sareyso .
waxa uu yimid goor cishaha kadib Sariirtiisii Hurdada ,waxa uu na Horay usoo qaatay Raadiye uu ku duubay arita uu dhintay iyo hadalo dardaaran ah .
waxa uuna kadib cabay suntii ,isla habeenkiina halkii ku ruux baxay!!!!!!!!!! Reer-kii Axmed ayaa goor danbe oo galabtii ah arkay in Axmed uu Hurdayo ,waxaana loo sheegay Hooyadii ,Maamo Siraad ayaa damacday in ay ka kiciso mise waa Meyd!!!!!!!!!!!!! Oohin iyo Baroor ayey isku dartay Maamo Siraad waxaana isku soo baxay Dariska .
waxaa furmay jawi murugo iyo tacsi ku dhisan dadkuna wey kamurugoodeena dhimashada Wiilkan Xaafadda loogu jeclaa ,asturaada meydka kadib waxaa lahelay cajalkii ku jiray Raadiyaha iyo fariinta marxuunka .
waxaana arintii ka warheshay lamaantiisii oo iyadana welwel xoog leh hayo , markii ay maqashay geerida gacaliyaheedii maalmo fakir saa’id ah kadib waxa ay qaadatay caak Basiin ku jro iyo Taraq inta ay Suulida gashay dab isku qabatay.
waxaana la arkay Holac musqushii kasoo ifaya Orod iyo in ay dadkii dudaan kadib mise wey xeran tahay?
waxaa labilaabay in lajibiyo mise waa Suleeqa oo guban ,islamarkaana tacbaan ah ,Naf xumina ay ku jirto. Waxaa loola cararay Cisbitalka ,muddo dheer kadibna waxaa la ,ogaaday in Dabka uu dhaawacay Maskaxda Suleeqa oo aysan waxba ogeyn sidaasina kunoqotay Qof Waalan.
Aqristow hadii aad Xanuun dareentey ogsonow inaad tahay qof bini adam ah Rabi xagiisa u noqo Qofkaad jeceshahayna had iyo jeer qadari balantanaadkee
Wlh waa qiso xanuun badan wlh wan ka naxay wana mahad santihiin wabsetka marqaan.news.com
Hablaha soo maaliyeed yaa! Saasdaacad uguwada dhiga
Waa qiso naxdin iyo murugo leh runti aada ayan uga naxay wana qiso eey wano utahay walidiinta ilmahooda ka hor istaga waxa ay jecel yihiin sidasna ay ku wayaan ubad kooda
waa qiso murug leh walidiintana in ay ilmahooda wixii wanaagsan u diidaan maahan oo mustaqbal koodaa
walahi waa qiso naxdin iyo murugo iskugu jirta waan ka xumahay
Waa qiso naxdin iyo murugo leh waano waalidna ka muuqato ad bn ugu damqaday waxa dhacay so thanks wabesiteka
Marqan news iga dheh! Marqaan walni ah ayu haystay qoraagan. Mahadsanid wa sheeko horar ah.
Waaa qiso aad u murugo badan runtii dareen ayay igu abuurtay lkn waxan taaas ugu wacnaa hooyo sareedo ooo jacyl xaasid noqotay
wlhi wa qiso xanun bdn
walaahi waxan ku suganahay somaliland waan muruugodey waxan aan dareemay naxdin aad u adag walaahi waxan usoo jedinaya dhaman walidiinta in ay ka fojignadan inay ay cunaqabateyna dhalinyarta so kacaysa waxan kele ee aan u shegaya inay ka fogadan dhaman wixii ku kenaya naftooda mida labad waxaa jirta sanadadan inay dhaman ay ku mashquulsnyihiin dhalinti jadaka waxan ka soo jedinaya inay ka fogadan waxa yalaha xun ama ka luminaya wakhtigoda waxan ku soo gabageynayaa anigu waxan ka mid ahay ardeyda dhameysatey jamacad gar aahan golis universal dadeydu wa 20 jir thank yuo
wlhi wan ilmeyay wa qiso murugo iyo xanun wadato ilahow naga qabo yey nagu dhicin tan o kale o ay na jecladan walidka ruxa an nafta jeceshahay amiin wana mahadsantihin
waa qiso xanuun badan ayagoo rajadoodii aduunka waayay iyo ayagoo tii aaqiro lawaydiin doono ileen naftoodii ayay gacantooda ko gooyeen allaha idiin naxariisto
ascwrwb intaas ayaa u qorneed wiilkaas iyo gabadhaas lakin waalikda somaliyeed aad ayeey u hoosesaa aqoontooda waana waalidkeen lakin in uu waalidka hadalkiisa uu fuliyo oo hadane furi karay ee maxa si ka,ah oo nafta qaaliga ah saas loogu xadgubaa walalaheyga soomaliyed nafta waa idinku amaano ee ilaah ka baqa oo naftiina ha ku xadgudbina waa ehlu naar ayaa la yiri in naftaada aad gacantaada ku koysid sheydankana uu idinka faaideyso ilen kaas ilaah hortiisa ayuu ku so dhaartay naftiina xakameeyo waa iga talo anigaas idinla hadlaa jacel waan soo arkay mana anan ku najaxin
yacni guul kuma gaarin jacelka iso maray ayaa waxu ahay in wiil aan jeclaaday anoo jiro 17 sano markaasna aan wiilkaas aan dhihi jiray hadaan asaga helo in aan dadkeyga oo dhan aan ku furan lahaa marka mala yaabayi in wax lajeclaado lakin xadguub intaas la,eg in lasameeyo aya qalad ah
Oh oh sorry wan ka xumahay walalayal naftina ilasha
Waa arin naxdin leh lakiin jaceylka qarkii waa qatar kan hada aniga aan la silacsanahay oo kale
Asc
naxdin.com
wixilaguqoray ismaseegtaan
Wlh waxan jogaa southafrica arintaan ookale waxey kadhacday xaafata aanjogu oo waxey dhaxmartay 2qufut oo madow ah lkn s.afrika waa sida carabta oole waxey istucmalaan qabiil iyo dalkow udhashay ninka waxow ahay muzambig nagtana south african muzambika inta walaga yasaa gabadhii markii lodiday iney gursatu weyisdishay wilkii lkn ismadilin oo jacelka dhabkama ehen lkn waa arin layab ah
Asc wlh waa dhacdo xanun badan alx alle wa in uu ku xamdiya ruuxi guursada qofka u jeclado allana waxan uga barya dambi dhaf inu siyo dadkan masakinta ah waayo lamane dacad ah ayey ahayen dumarka soomaliyed gabadhan o kale kuma badna dacad ayey u ahed marxumka inalilah wa ina ileyhi rajicun
Waxas waa wax u qornaa lkn mahabona waana diindaro jclna maba ahan wax saas u ween lkn qofki qaadqaada unbu halkaas garsiya
run ahaanyii wa qiso murugo iyo yaab leh wana arin uu ka fajaco qofki caqli u saxib ah aadban ugu tacsiyeynaya waalidka halka ilmahoodii ku wayey maamaduna ma khaldan wiilkeeda ayey u horsedasey mesha ay lajeceshahay ( thanks for you are preparing)
asc sln kdp aqyarta wlh waqiso aad unaxdin padan alla illaahow itus wil sas dcd igu ah
Asc aqyaar walahay waa arin naxdin leh waana inay ka digtonadan waalidku inaguna yeynan isu dilin jcyl waa alle ayaa yiri qofka nafgooya waan cadaabayaa marka cadhada alle iyo ciqaabkiisa kacabsada dhalinyaro
sln kadib walala yaal wa qiso ad iyo ad murugo u leh adukuna wa imtixaan naftuna ma,ahan mid adiga ad lee dahey wa kugu amaano ilaheyna wa inoo sheegey qofkii naf tiisa gooyaa cinqabtuu leeyahey marka waxad ogaataan inan dad musliin nahey wa in diiteena jaceelkeeda an ku dhimanaa
Walaahi waan kanaxay waxaan joogah soomaaliga gaar ahaan galgaduud sababta oo ah waa ridka waakala il adagyahay lkn waxaa dhihi lahaa waaridka haka firsado wax yaabaha khaarkood
Asc walalahayga somaliyed qisadani waa qiso ad umurugo badan hoyada wilkasina ayxumatay lakinse hoyo waa hoyo marwalba hoyo xaq ayey kugu ledahay ogow jacaylku meel ayu leyahay lakin inad isdishid adun iyo akhiroba waydid ma aha
wlh waa qiso ad unaxdin badan aniga wlh ad ayaan uga naxay waxaa talo siinaya dadka isjecelow wax hubsada hubsina halbaa la siistaa
Asc wr wb dhaman inta muslima run ahanti wa arin mucjisa ah hadi aysan aheyn iga dheh tan kale waxa hubal ah walidka markasta in u saxsan yahay qof xun waa u naqan kara lkn lagama yabo ubadkisa in uu u horsedo mustaqbal xumo sax ilen hadi u cadawtinimadas u qabana markisi horoba intas soma garsiyen tan kale jacelka wa wax jira lkn dadka waxey jecelyihn si qaldan in ay u isticmalan lkn hadi wanaga lo isticmalo waxba ma halawayan marka dhaliyoy haleysku badnado walidkana mar walbo hala tixgeliyo waxa laga yaba in u wada wangsan ku dhiman laha hasa hasa ahanti sual dhaman aqrista yasha naas la tabtay iyo naas la nuugay keba wangsan murxumkana ilahey janadi haka waraabsho