Axdigii ayaan sidaa , Adiguna nabsiga qaado, wa sheeko jaceyl oo xiiso leh hadaba sheekadan aya waxeey ubilaawaneeysaa sida tan,
liibaan waa wiil somaaliyeed misna da’yar waxuuna jiraa 22 sano isagu waxuu ahaa wiil aad ufir fircoon misna yaqaano la dhaqanka bulshada oo la noolyahay liibaan waxuu aad ujecelyahay dhageesiga heesaha gaar ahaan heesaha soomaliga ah , liibaan waxuu ku noolyahay wadanka Djabouti.
markuu in muda ah ku noola ayuu goaansaday in oo qabto kenya si uu nolashiisa ugu hormariyo una helo leen si uu yurub u aado,
liibaan waxuu yimid kenya gaar ahaan magaalada nairobi inkastoo la qabsan waaye kenya ayuu goaansaday inuu yeesho yeesho lamaane misna helo gabar ku dabeecad ah si uu uhelo wehel , taas ayaa isagu ku qaadatay mudo in uu raadiyo
Liibaan waxeey xiriir walaaltinimo ku dheehan tahay yeesheen gabar iyadana lagu magacaabo Dahraan.
Dahraan, waa gabar aad u da yar misene aftahan ah Taas ayaa keentay in uu liibaan la sxbo.
Liibaan iyo Dahraan” waxeey ahaayeen laba walaal tinimda isku qiimeeyo .
Liiban isagu wuxuu wali baadigoob ugu jiraan sidii uu ku heli lahaa lamane wanaagsan , Liibaan oo habeen fikiraya lana hadlaya qalbigiis ayaaa yiri.
Waxaan jeclahay in aan helo gabar aad u wanaagsan ma heesto laaakiin buu yiri .
Dahraan, oo aan is fahanay dhanka dabeecada iyo la dhankeenaba hadaan iyada lamaane ka dhigto side noqoneeysaa! maya maya ma yeeli karo oo waxaan nahay sxbo caadi ah laakiin buu yidhi i sagoo lahadlaya qalbigiisa .
Aduunyadu waxaa ugu wanaagsan labo sxbo ah misena jaceyl isku badala sxbtinimadooda oo waxeey noqonayaan laba dhan kasta isku fahmi karaan, liibaan wuxuu go’ aansaday in uu Dahraan” u ban dhigto jaceylkiisa , habeenkii xigay uyuu Liibaan intuu u yeeray Dahraan” ku yiri, Caawa waxaan kaa lee yahay arin ee ina keen aan dibada u baxnee, Waa lees wada raacay oo meel dhinac ah ayaa loo baxay si loo wada sheekeysto .
Dahraan” iyadu ma oga wixii loo soo kaxeeyay laakiinse la ogaan doonee
Liibaan aya hadalkiisa ku bilaaway,
inan yaheeey
Amiintii alla keenaba
Amaan iyo sharaf
Aqlaaq iyo aqoon
Asluub iyo itaal
Allahey inuu ku siiyo
Ayaan kuugu duceynayaa
Anigoon waxba dhadhamin
Afkeyga wax marsiin
Albaabka aqlkiina
Aragtidaada aawadeed
Soo uma daawado
Oraah deydana waa
Inaad I adeecdoo
Afadeydii noqotaa
Intaas ka dib ;Dahraan ayaa dhabanada qabsatay kuna tiri, Aboowe sideey kaa noqotay aniga waxaan ahay walaashaa waxaana naga dhaxeeyso sxbtinimo caadi ah xitaa waxan lee yahay bey tiri lamaane!
Liibaan dhulkii baa la gariiray dhididna ka soo daatay Sidaan oo kale ayeey u dhib badan tahay wixii lagu fududaado
Oo horaa loo yiri “:keedkii orod lagu koraa orodbaa loogu soo dagaa”
Liibaan isagu ma uusan hubsan in Dahraan” lamane kale leedahy
Meeshii ayeey ugu dhaqaajisay liibaan markaas ayaw geeraarkan ku dhuftay.
Waxaan daaqayaa
Dan iyo jaceyl
Waxaan daawanayaa
Dooq iyo haween
Sidey ii daandaansheenoo
Darbiyada iigu tureen
Dabagal maanan yeelan
Dabasocod maan sameynin
Durbaba haf baan
Lasoo idhi danteydee
Dabool baan ka qaaday
Laabta wixii iigu daboolnaa
Dagaal iyo caashaq
Yaan lagu degdegin
Hadeynan ku soo doona.
liibaan wuxuu bilaaway in uu dhageysto heesaha jaceyl ka ah taas oo aay ka wada siman yihiin lamaanayaasha markii midkood kali dareemo ama cidlo,
liibaan dhibaatada heysato oo eheed ninkii bashaashka ahaa oo aan hadli karin sheekaba iska daayee ninkii kaftami jiray oo kaftankii iska jaray ninkii xaragada badnaa oo libiskii iska dayay meerashaba warkeeda dhaaf.
Dahraan “dhibaatda heysata liibaan iyada aad beey ugu xumeed oo waa tan markii dambe go,aan satay in aay wax la qabato si liibaan nolashiisii wanaagsaneed dib ugu soo laabato, inteey qolkiisa soo gashay ayeey maqashay hees jaceyl ah oo udaarneed liibaan , heestana wxaeey aheed,
Dunida adaan kaa rabaa
Daa,in intuu abuureee
Dooqeeygaa ku raacoo
Ku dalbaday deeqday maankeyga
Adigaa degay qalbiga
Wadnaha dacalkiisee
Soo dago i daawee
Alla soo dabac idaawee
Soo dagoo i daaweee.
inteey sariirtii uu jiifay ku dhawaatay ayeeey ku tiri waan soo dabcee istaag
Liibaan farxad ayeey u noqotay hadaladii la yiri waa tuu in tuu kacay oo uu ku booday dhunkaday.
isku hambalyees ayaa meeshii ka bilaabmay, aboowe iyo abaayo, macaan iyo macaantoo, xabiibi iyo, xabiibti qalbiga iyo wadnaha, dhiiga iyo dhuuxa ,indhaha iyo araga, ereyadaas ayaa lees dhaafsaday.
isla qolkii dhaxdiisa ayaa balan iyo axdi adag lagu dhigtay balantu maxeey tahay ayaa isweydiis mudan?
balantu waxeey eheeed in labadooda isku kalsoonadaan xitaa hadii dhibaato ka timaado labada qoys midkood leeskuna go,o oo aan marnaba lakala fogaan oo hee la noqdo laba ubax oo aan dhaxdooda qodaxi soo gali karin mooyee in uu ubax kale ka dhax dhasho intaas iyo in kale ayaa lagu balamay walibana leesku adkeeyay oo hee leesku sii adkeeyay.
bilooyin markii sidaas la ahaa oo wanaag lees kugu daadihinayay jaceylka ayeey noqdeen waa Liibaaan iyo Dahraanee laba aan ku tilmaami karo qeys iyo Leyla ,Cantar iyo ceebla,far iyo faraanti,
Libaan mar waliba oo aay labadooda kaftamaan wuxuu dhihi jiray manutaz macaney heestaan aya ikaa jecleesiisay moye adiga kumaan heli laheyn laakiinse hada waxaad dhab ah in aan sida runta ah kuu jeclahay aan xitaa reerkeyga aan kaaga soo go,i karo ,
Dahraan iyaduna waxeey ku tidhi, markeygii hore jaceyl kuuma aanan heyn laakin hada waaxyaha jirkeyga meel waliba adigaa ka degan oo kaama maarmo macaan waxaad tahay qalbigeyga dhaqdhaqaaqiisa.
gaba gabadiina Dahraan waxaa la baray ama uu baray liibaan qoyskiisa.QISO DHABA
FIIRO GAARA AKHRISTE dHACDADANI WAA MID HORE U DHACDAY LAKIIN XUSUS AYAAN U SOO DABAC NAY.
qayb labaad ma leedahay sheekadu
Intii kale meeday nodhameeya de marqanay
Waaaaaw runtii aad ayaan ula dhacay oo wanba ilmeeyay waxaa mooda inay ani itaabayanso sheekadan lkn waxaan rabna dhamaystirkeeda plz mahadsanidin
Waaaba kahelanaye dhaame marqan waa sheko dahabaa
Waa ay dhamatey qoys ka hadi la barey dahraa ayadana qoys keda ayey bartey wey is gur sadeen hada 2 ilmo ayey leyihiin
waaw aad iyo aad baan uladhacy waad mahadsan tihiin dhamaan cidii ka qaybqaadatay lkn qayb baamaqan soo daabaca qaybtii kale waad mahadsan tihiin
waaw dhiigaaba i is taaagay aad baan ula dhacay sheekadan waxaan sugnaaba waa qaybtii kale waa mahadsan tihiin
Walalyal aad ayaan uga helnay sheekadaan ee fadlan waa idinka codsaneynaa inaad soo daabacdaan sheekadaan qeybtedi labaad aad baad umhdsnthn reer marqaan .com
sheekadu waa dhamaatay hadal badanaan dadkan maxaa la dhameeyaa hee
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
asxaabey intaas waa nagu dheertahaye intaas marqaan miyaad jirtaan soo dedejiya bahasha
hello dhamaan aqriste yaal waxaan idin so daabacaynaa oo aan inkugu soo gudbinaynaa cadadkeena soo socda ee ugu soo horeeya
waaw xiiso ayey ledahay
oooooooooooh aad bay iigu socotay ee pls and pls noso dhamaystira sheekada marqaan wadna mahad santiin inbadan
Dhadhan cml plz sodhaqsada k.k.k.kk warkan cml love anku ahay
Walaalahayga sharafta & amaanta mudanoow sheekadu way nagu socotaa meel baa nadhagleh ku dhaqsada qaybta labaad plz and plz good by
asc dhamaan aqyarta wa qiso macqul ah in badana dhacda aad ayeyna no so jidatay aniga iyo asxaabteda oo an magacoda ku hadlaayo blse codsiga an wadano oo an ka codsaneno mamulka in nalo so dhamestiro shegada tnx all
Asc dhaman bahda shekada sln kadib run ahanti waxa ladhihi kara wa sheko ad iyo ad u xiso bdan wan idin kaga mahad celinaya shekadan lkn suasha iswaydinta mudan waxay tahay away dhamaystirki shekadan?
marpan wakaxumahay waxa aad ledihin qaraxo
wooow wlhy waan landhacay runtii saamayn wayn bay qalbigayga kuyeelatay waxadba modaa inay aniga igudhacay,wl soodhamaystir alle hakudaayee.
asc dhamaan bahda marqan runtii waaladhacnay shekada plz nosodhamastira
asc maqraan runtii waasheke xiiso leh plz nosodhamastira
asc marqaan runtii aadbayno tabata nosodhamastira
asc dhamaan bahda marqaan more thanks runtii shekada wan ladhacnay plz nosodhamastira
Aad Iyo Aad Ayaad U Mahadsantihiin Walalayaan Waxa Aan Idinka Codsanayaa Qaybta Labaad Ee Sheekada
waah waah waxaasa sheeko kaa ah maxaa ka wacan inay qayb kale yeelato
waaaaaaaaaaaaaaw waayo sheehada waalyaal qabteetd kale keen waayo way fcn tahay waalyaal waan idiin hahd celinayaan waalo
waxaan umahad celinayaaaa qoraaga shekadan . Waxaan filayaaa in aad halkas kasiwadaan hawlaha aad uhaysaan bulshada somaliyeed gaar ahaan dhallimta
lkn aawey qeybtii kale eh walhi sheko waye tan
AAWAY QOF LA JECLAADO GABAR AF TAHAN AH WAA LAGA CARARAA?
KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK
runtii waa xasuus fiican bini aadankana way ku raad yeelnaysaaa se wakhtigan imminka lajoogo wayka duwantahay waagan blse dhalin tan man ta nool noloshodu ad bay u adgtahay sababtoo ah siyar oo fuduud yuu jacaylkodu ugu hirgalay se tani madhacdo dunidan maanta waa duni layaab leh waa jacayl midabo yeeshay khiyaamo roonatay wana daacaadd danteed garranla …………………………………..