Waxay Inoo Maraysey Cabaas oo go’aan saday in uuna dib danbe u raadin Raaxo oo u jaceyl cusub iska sameysto oo sidaas mustaqbalkiisa dib uga dhisto.
balse nasiib wanaag maalin maalmaha ka mid ah ayuu cabaas goaansday in uu aado wadanka masar si uu soo salaamo walashiis oo halkaasi daganeyd
maalintaasi waxeey aheyd maalintii ugu farxada badleyn ee cabaas abid soo marto
Qeybta 13aad
Cabaas ayaa markii uu imaaday elebookra diyaradaha caalamiga ah ee wadanka holland ee magaalada Amsterdam , Schiphol international Airport , ayaa indhiihisa qabtaneen gabar somaliyed misane kala xiran oo aadba moodo in aay raaxo tahay.
Cabaas ayaa markii aay gabadha sii jeesatoba si fiican u fiirinayay si uu ugu soo xasuusto gacalisadiisa raaxo
Cabaas ayaa galay xasuus aad u farabadan iyo in uu dib u soo xasuusto maalintii uu soo macsalaameynayay iyo waliba in uu shumiyo faraantigii aay mudo sedex sano ka hor ah u siisay gacalisadiisa hadiyay ahaan
Dhanka kale raaxo ayaa dhowr jeer dhankeeda fiirisay , wilkaan aadba moodo in uu egyahay gacaliyiii mudada dheer ka hor ka dhumay
balse cabaas iyo gacalisadisa raaxo mudo halsaac ku dhaw ayeey qofba qofka kale daawaneysay , sababtoo ah qofba qofka kale waa aay ka baqeysay in aay la hadasho kan kale , oo waxeeyba is dhayay armuuba ahayenba qofka aad moodo
Balse Cabaas ayaa dhankiisa aad u necbaa guul darada , oo isl lahaa . qofkaan hadii aad la hadasho ameeyba isku kaa micneysa oo ku dhahdaa maku kasaayi ama wax la mid ah , dhanka kale cabaas ayaa aad u necbaa somalida xiliyada qaar afafka qalaad iskula hadlo o oo niyada iska lahaa ,
War hadii aad qofkaan la hadasho ameey english ama dutch ama luqada aadan rabin aan ku hadasho ameey kugula hadashaa
balse wuxuu waqtiga is guraba waxaa so dhawaaday xiligii aay duuli laheyd diyaaradii uu cabas raaci lahaa
Cabaas ayaa goaan saday in u fadhiisto meel u dhaw raaxo si uu u ogaado balse markii uu cabaas u soo dhaqaqay Raaxo xageeda ayaa raaxo is celin weysay o durba soo istaagtay mise ku soo booday Cabaas ayaa dhankiisa ku soo booday, oo raaxo ayaa ilin ka soo daadatay ayada oo aamini weysay in uu gacaliyaheeda maanta hortagan yahay.
Dhanka kale cabaas ayaa fiiri dheer u celiyay bal in aay qoftaaani raaxo tahay mise qof kale , balse markii uu xaqiiqsaday ayuu marlabaad xabadka saray asiga o mudo dhowr daqiiqo ah xabadka ku hayay, Balse wax yar ka dib raaxo ayaa hadalka furtay ayada oo leh
Raaxo: see tahay macaanka oo intane maxaad ka haysaa oo dadkane sidaasi miyaa loo nacaa
Cabaas: suaalaha waadba igu badisay ee see camal , marba hadii aadba macaanka i dhahday waan kaaga wada jawaabayaa.
Raaxo: cabaas wali dabeecadaada ma is badali wallahi
Cabaas: dabcan halkaani waxaan u imaaday in aan adiga ku soo raadiyo o xitaa dhowr jeer ayaan tagay swedan si aan adiga ku helo balse qof kasto oo aan ku weydiyo waxey igu jawaabtay raaxo mar baan arkay balse wax aqbaar ah ma telfoon ah maka hayo
Raaxo: cabaas anigaba mudo hal sano ah ayaan ku raadinayay balse marba hadii aan ku wayay oo telfoonadii aan kugu kasayay oo dhan leyga qaban wayay waan iska sabray oo waan iska guursaday
Cabaas: yarta anigaba sidoo kale mudo lix bil ah ka hor ayaan mar tagay swedan oo aan bil soo joogay markii aan ku soo wayayne waxaan goaan saday in aan iska sabro oo aan jaceyl cusub iska sameysto oo aan iska guursado balse wali wax jaceyl ah ma sameysna mana guursan , ee adiga hada wax caruur ah miyaad leedahay
Raaxo: maya wax caruur ah ma lihi , oo aniga waalidkeey ayaa wiil igu daray o Norwey joogo balse , mudo bil ka hor ah ayaan kala tagnay oo hada waxaan ahay singel ama garoob sida aay somalida dhahdo
Cabaas: waan gartay ,
Raaxo: cabas iga raali noqo qalad baan kaa galay oo balamihii aan kaa galay ayaan ka baxay oo markii aan mudo ku wayay waan iska niyad jabay ee waan ku baryaa iska keey cafi
Cabaas: waligeey wax cuqdad ah makuu qaadin oo kala fogaashaheena burburka dalkeena ayaa u sabab ah ee hada xageed ku sii jeeda
Raaxo: hada waxaan u socodaa Ethopia o waxaan raba in aan walidka so salaamo , ee adigane
Cabaas: waxaan u socdaa masar o waxaan rabaa in aan walaasheey iyo caruurteeda soo salaamo oo mudo 5 sano ah ma arkin.
cabaas iyo raaxo ayaa mudo dhowr daqiiqo ah ku sheekeysanayay eleboorka balse cabaas ayaa raaxo hadalkaani kaga naxsaday
Cabaas: yarta , 15 daqiiqo ka dib diyardeyda waa aay duuleeysa marka waa in aan sii dhawaadaa o waa ino markale ee telfoonkaada isii
Raaxo: cabaas in aad sidaan iga tagto aad baan kaga xumahay , balse anigaba horay ayaan kaaga soo tagay in aad maanta iga tagto qalad uma arko eemaxaad ka qabtaa marka aan soo noqdo in aan ku soo maro o aan mudo kula joogo ama aad xagga(swedan) igu imaado
Cabaas: waxba kama qabo oo mar walbo madaxa korkisa ayaad i sarantahay telfoonkeeygana waa kanaa adresekgane waan kanaa ee hadii an masar tagane telfoonak walaashey ayaad iga so wici kartaa oo ah kan , cinwaankeygane waa kanaa
Raaxo: woow jumlo ayaadba i siisay balse igu haleey in aan dhamaan kor ka xifdiyo , balse aniga waan kuu qorayaa tlefoonadeeyda ee balse sug, cabaas iyo raaxo sidaasi ayeey isku macsalaameeyeen , oo raaxo aad beey ugu faraxsaneyd in aay cabaas dib u aragto dhanka kale cabaas aad buu ugu faraxsana in uu mar uun raaxo arko , balse wuxuu aad ugu xumaday in aay raaxo guursatay
Raaxo markii aay tagtay Addis ababa dhowr jeer ayeey cabaas dhanka internetka ah ku wada kulmeen , balse qof xanuunka hayo so bandhigatay ma jirin o waa aay iska kaftami jiren oo kaliy a
balse maalin maalmaha ka mid ah ayeey raaxo suaalo aad u yar yar misane muhiim u ahaa weydisay cabaas ayada oo leh
Raaxo: yarka holland maxaad ku heysaa oo guri ma dagtay mise wali
Cabaas: yarta arday baan ahay oo waxbaan iska bartaa , waana iska shaqeystaa , gurigane waan daganahay somahan
Raaxo: oo kaligaa miyaad dagantahay ?
Cabaas: dabcan ya kaloo la dagi lahaa , in anan guursan horay ayaan kuugu sheegay baan filayaa
Raaxo: dabcan anigane sidoo kale kaligey baan daganahay ee maxaad ka qabtaa hadii aan kuu so martiyo
Cabaas: aadbaan ku soo dhaweynayaa, Raaxo ayaa aad ugu faraxday jawaabaha uu cabaas sinayay balse cabaas niyadiisa shucaac weyn baa ku furnaa oo ku saabsan arimaha raaxo , asiga ooba aamini wayay in aay raaxo guursatay mise aay asiga wali jeceshahay inkasto oo asiga wali qofkale xirii sax ah la sameynin.
Lasoco Qeybta Xigta Sheekadani.
Kala Soo XiRir Emailada Hoose
Sheke reer xamar ayaad nookeenteen ma waxaad rabtaan ayaad nagu maaweelinaysaan saxiiboyaal reer marqaanow
Waaw manta xiiso gaar ah ayey lahed lakim waxan ka daremay iney naag is celin karin o ey fududahay o ninka ad adag yahay balse aniga haddi aan ahaan laha cabas raaxo ey igu dhihi lahed wan gursaday garob ayan ahay walle kama yeelen jawab waxan ugu dhigi laha kama helo garob yada bye waayo iskuma qalman garob iyo wiil aan wili waxba arkin
Wlal nagaha odhan maha saan eewa mid mid un lkn wankugu racsanahay inusan xiriir dambe lasamayn bay ahayd cabas nacas dhe
Kkkkkkkkkk ina dhicisooow sxb fakir kaaga ka hadashay ? Waxaanse qabaa garoob hal mara iska dhaafe qofkay naftu raacdo toban mar haday garoob tahay toban carurana heeso madaxa korkiisay kuu saaran tahay kagamana tagaysid waxaaaaa kkkkkkk ee ka noqo yaynan ku qabsane
Kkk xamda aduna maku raacday jeceylku waa wax jira calfkuna sidoo kale qadartana yaan laga xumaan qalad la,is kuma raaco ?:D:D:D mise love xaasid leee,idin ka tahay cadowga love ku ha dhaco kkkkk qarni love jiray beedan maqal sheekooyinka iyo dhacdoyinka loooove si fiican u,aqrista,intaydan jwb bixin
Waaaaaw wankugu racay suudan waa runta jcylka waa jiraa cabaasna yusan ka dheran qoftasi uu inta badan radinayay
Manta aad ayay u xISO BADNAYD WAD MAHADSANTIIHIN MARQAN
Kkkkk wa meshey igu maceed sheekada calaafka inta aaminsan ayaa dareemi karo sheekadan qaabkeda inta kale iska so socda maso dhawediine aya ne dhaha
Aniguna fikirka suudaan ayaan raacsanahay waayo qof aad jeceshahay garoobkasta oo uunoqdo iyo carurukasta uudhalo hadaad halmar is heshaan ayaanba wax loo dhigaa jirin markaa ninkasta iyo cabaasba waxaan leyahay halaga faa iidaysto fursada wayo qof aad aad ujeceshahay ayuu calafku kaqaday hadana nasiib ayaa kusoo celiyay markaa wixii isjecel ee calaf kala kaxeyay ilahay ha isku soo celiyo
Mahad sanid sudan jwbta adka bixisay waxase run ah qof ad sidhab ah ujeceshahay inadan ku nicin wax kastow yahay waxan leyahay abas iyo raxo nolada jeceka kor ha ahdo waliki
Waa sax sudaan waan kugu racsanahay hadalkaaga sxb jecelka hajiro
Qaybtani xiso gar ah ayay ledahay wayo waxa kulmay labadi isradinayay inkasto ana ku farxin raxo gurkeda o ay balanti ka baxday handna cabas culays mudo saaraa aya ka dagay lkn kuma racsani inu cabas jacayl denbe la wadaago raxo muxu u dhihi wayayay balanti ka baxday by jacayl bur burisaye by
K.k.k.k. Sxbyal sow ma aydan maqal nin lagu sexdow ha sexan cabas & raaxo aaminaad ayaa ka dhxeysay hadii ay iyadu qiyantay horaa naagaha qiyano logu ogaa wxana la yidhi sir naageed lagama sal gaaro haday garoob tahay garobnimo ayan ku guursan lahaa ileen hadiiba aad jeceshahay kama samri kartid sow ma’aha cabasna wax fcn ayu sameyay loooz
Waaad mahad santihiiin dhamaan walalaha meelkasta aad joogtaan ,,..aadbaana ujecelahay sida,aay shekadu,usocoto,,,rajadeeduna guul insha,allah,inta,is jecel ooodhana guul iyo kalsoni iyo midnimo,ayaan u rajeenayaaaa,aqyarey qofkasta love kiisu meel kasta uu ku suganyahay ha qadariyo ayaan ku dardaarmayaaa by ahmed fariiid s,suudan
Aniga waxaan leeyahay nagaha wax ma qiyaman runti waa lagaga dheereya bahasha qiyaanada hadi ay raaxo balanti ka baxdayna meeshi waxaa yimi faragalis waalid kasoo aan laga boodi karin marka wayku qasbanayd inay waaridked adeecdo jacaylku ha jiro
Waxan leyhay abas hadad haysaa raaxo walino kugu imaanaysaa holand e fursada ka faidaysta ina dhicisna waxaan leyahay sxb inantu mel qbow ayay tagtay o wa is celin wayday ee haku adkayn adna kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Wow shekada way siixisa badaneysa waxan inaga codsaneyna rer marqanow inad nosiwaadin
Asc akhyarta jcaylkii raxo iyo cabaas sidii hore ma ah wax baa iskabadelay because of kalsoonidi ayaa lultay halka waxaa iga muqatay in ay dumarku dibidabyo badan yihin