Nin ganacsade ah ayaa la sheegay inuu isku dal-dalay hoygiisa oo ku yaala xaafada Towfiiq oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.
Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in ninkaasi uu goob ganacsi ku lahaa meel ku dhow hoygiisa, waxayna intaa ku dareen in da’diisa lagu qiyaasay Illaa afartan sano jir.
“Ninkaas meydkiisa waxaa laga helay qolkiisa, isagoo is daldalay oo qoortiisana uu ku jiro xarig ka soo laalaada saqaafka sare ee guriga, aad ayaan uga argagaxnay arintaas” sidaas waxaa yiri nin ka mid ahaa dadka degaanka oo saxaafada la hadlay.
Dhacdadan ayaa aad looga hadal hayaa xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, lamana oga illaa hadda sababta uu ninkaas isku da-dalay, inkastoo dadka aqoonta u lahaa qaarkood ay sheegayaan in ninkan uu maalmahanba isku buuqsanaa.
Inalilahi wainaa ilehi rajicun waa arin qatar naftada gacantada kugey
Inalilaahi Waa Inailayhi Rajucuun Waa Iska Qadar Alle Tisii Ayaa Dhamataay Wayna Qornayd Inuu Gacantisa Igu Dulo’Wixii Kugu Dhacaya Aama Lagu Qoray Kun Sano Ka Wayn Allow Khayrka Naa Faji Yaa Rabi
Inalilah alle ha u naxaristo marxumka alla og waxa ku kalifay wa macqul maskaxda inesan jogin waxan kalo uga tacsiyena dhaman jaaliyada xaafada towfiiq e dagmada yaqshid gar ahan gudomiyahoda c/risaq mahamed mire (bojo) iyo dhaman xubnaha jaliyada o dhan mel walba ay dunida ka jogan ina lilah wa ina ileyhi raajicun.
Waaw reer towfihq miyaa tahay suman ali
SUBXAANANALAAH TOLOW
MA NAAG BAA AXDI KAGA BAXDAY
BERYAHAN DUMARKIII MUQDISHA
RAGGII QAYLO DHAAN BAY KA KEENENE
NAFTIISA INUU DILO MA HAYN
WAXAA LAGA SHEEGAY RASUULKEENA
SUUBANAA SCW QOFKA WAXA UU NAFTIISA
KU JARO AYAA ILAA QIYAAMAHA LAGU CADAABAA
ILLAAHEY HA U NAXARIISTO ISGAA DEMBI KASTA DHAAFA DEMBIGIISA HA DHAAFO