Macalinka Kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa hada wada hadal la galey Kooxda Lacagta badan haysata ee Sky Blue Man city.
The Sun ayaa sheegeysa in markii macalinka Hada Man city ee Roberto Manciny uu ku Fashilmey in uu meel fiican gaarsiiyo Kooxda oo uu ka harey Koobka qiimaha wayn ku fadhiya ee champions League, Macalinka real Madrid uu sugaya in uu dalab ka helo Man city.
Wakiilka Macalinkan reer Portugal ee Jorge Mendes ayaa la kulmay agaasimaha Cusub ee Man city Txiki Begiristain oo uu kulan kula qaatey Portugal.
Inkastoo Jose uu Qandaraaska uu kula jiro Real Madrid uu uga harsan yahay 4 sano ayaa hadana waxaana jira dalabyo uga imanaya Kooxaha Man city iyo waliba Kooxda PSG.