Dhacdo la yaab leh ayaa galabta ka dhacdey magaalada Muqdisho, kadib markii haweeney xaas ah ay sun cabtay, taasi oo noqotay arrin si weyn loo hadal hayo, dadka badankiisna ay aad ula yaabeen.
Haweeney magaceeda lagu soo koobay Qamar, kana mid ah dadka ku nool degmada Kaaraan ayaa galabta laga war helay in ay sun cabtay, iyadoo wararka ay sheegayaan in arrintani ay ku dhaqaaqdey, kadib markii seygeeda uu ku wargeliyay in uu furayo.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in aysan horey uga war qabin khilaaf ka dhex taagan qoyska, ayna hadda uun ka war heleen dhacdadan.
Haweeneydan oo aan dhiman, hadana aan nooleyn ayaa loola cararay isbitaalka Keysaney, si wax looga qabto xaaladeeda.
Waa qofkii sedexaad ilaa inta laga war hayo labaatan maalmood gudahood hal degmo lagu arko haween sun cabaya, kuwaasi oo ku cusub meelo magaalada ka mid ah.
Waa dhacdo naxdin leh lakiin somalida waxa ee bilabena wayaha cusub badana naag la so furay ma aay guursadaan marka nagtaasi waxa eey ka naxday furinkan eey ogen meel oo ka yimid somaliyey dumarka unaxariista.
War nin walboow xaskaga xaq haka galin
wallahi waa yaab,aniga dhibaaba iga haysta,xabdii iigu horeeysay saan ku heli lahaa, kuwana sun bayba cabayaan…
ninka ayay gabadh aad u jaceyl ee jaceylkii ay u qabtay ayay dartii sunta u cabtay
Hala waso iyadoo sumaysan bila dhaqan bila iimaan weeye wa lay furay sunban cabey xagee lagaga hadlaa ama looga dhaqmaa sidaa
Asc wlh wa arin naxdin leh waxan kula talinaya dumarka somaliyed inay jojiyan dhaqamada reer galbedka ay ku dhaqmayan ma oga miya qof naftisa goyey alh agtisa inaysan naxaris ka helayn cadab moye ragana waxan ushegaya inay bartan sida dumarka lo xaq dhowro
Furiinku ma wanaagsana, waxa sababayana waa in laga foojignaadaa rag iyo dumarba, gabadhaan sunta cabtayna Ilaaheey ha bad-baadiyo(Aamiin)
asc arintasii waa wax dumarka somaliyeed iyo muslinimad meel ka dhac ku ah maxaa yeeley furinku waa xal wax mamnuuc ah ma ah hadii la furo naagta waxa u furaan 2 wado in aay sidaa iskaga samirto ilaahna waydiisto mid ka khyr badan iyo in aay isku daydo in aay soo ceshato nin keeda iyadoo markaa isticmalesaa in aay u sheegto nin kaa in aay jeceshey ka rali galinaysa hadu wax tabanayo qalbigisaa dib u soo hanato lakiin sunbaan cabyaa sun cabtee xageed ku socotaa naar
Dad waynaha qisadan akhristay say Ibadan yihiin maysan fahmin gabadhani sun way cabtey mase dhiman sida sheekada ka muuqata sida xalku yahay ninku gabadhani ha soo ceshado e debdaradana gabadhu ha iska dayso Hana dhaqato reerkeeda gabdhaha kalena hakutusaale qaateen
A c kadib ilaahey iimaanka ha noo sugo dadka soomaliyeed waayahan wax badan oon la aqoon jirin ayaa lagu arkaa qofaa is dishay lama aqaan ilaaheeysa iimaanka hanoo sugo waa wax aan wanaagsaneeyne
fWaa qalad in qof muslim ah ku koco dhaqmo reer galabeedka looga yaqaan ee ilaahay haloo toobadkeeno dambi kaafna hala waydiisto is naarta cadaabkeeda looga badbaado.
maxaa iiga dana sun cab markuu ifuraan mid kale ku boodi lahaaaaaaaaaaaa