Warar Kala Duwan Ayaa Ka Soo Baxaya Dagalo Culus Oo Xalay saqdii dhexe Ku Dhex Maray Al-shabaab Iyo Dad Xoolo Dhaqato ah Deegaanka Leego ee Gobolka Sh/Hoose.
Dagaalkani Ayaa Qarxay markii Al-shabaab Dadka Khilaf Dhanka xoolaha ah Soo Dhex galay iyadoona Kadib dadkii Xoolo Dhaqatada Ay dagal kala hor tageen Al-shabab.
Gudoomiyaha Degmada Leego Ee Dowlada Soomalaiya Ayaa Sheegay Inay xoolo Dhaqatada Caawinayana Hub Waxana Uu Sheegay In baabur looga Gubey Al-shabaab.
Gudoomiye AXmed Abuukar ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada iyo AMISOM ay u garman doonaan dadka xoolo dhaqatada ah isagoona xusay in AlShabaab dadka masaakiinta ah ay ku hayaan dhibataooyin aan lasoo koobi Karin ilaah idinkiisna ay ka dul qaadi doonaan.
Majiro dhanka Al-Shabaab wax war ah oo kasoo baxay oo ku aadan in ay dagaal la galeen Rag xoolo dhaqata ah qasaarana la gaarsiiyay, inkastoo caadada
Kooxda Al-Shabaab looga bartay ay tahay in aysan ka hadlin arimaha nuucan oo kala ah.