Waxaa maalinimadii shalay Airporka laga dhisay Taleex markii ugu horeysay kasoo degtay Diyaarad ka timid Muqdisho oo sida Issimada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Airporka laga furay magaalada Taleex ayaa loogu magacdaray Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, waxaana lagu furay diyaaradii ka timid Muqdisho ee siday qaar kamid ah Issimadii beelaha Daarood ee ka qeyb galay shirkii lagu dhisay Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Issimada shalay soo gaaray Taleex ayaa waxaa kamid ahaa Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale. Wafdigan ayaa lagu waday in maalinimadii Salaasadii ay kasoo degaan Airportka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
Wafdigan Issimada ee imaan lahaa Gaalkacyo ayaa la qorsheenayey inay ku jiraan Issimo kale oo uu ku jiro Wakiilka Boqorka Daarood, Burhaan Boqor Muuse iyo issimo kale oo kasoo jeeda Puntland kuwaasi dhawaanahan ku sugnaa Muqdisho.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowlada Puntland amar kasoo baxay lagu sheegay in Issimada kasoo jeeda Sool, Sanaag iyo Cayn ee wax ka dhisay maamulka Khaatumo aysan kasoo degi karin airporka Gaalkacyo. Arrintan ayey noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo waliba qaar kamid ah hawlwadeenada shirkadaha diyaaradaha oo digniin uga timid dhanka dowlada Puntland.
Inkastoo aysan dowlada Puntland arrintan saxaafadda u shaacin balse hawlwadeenada shirkadaha diyaaradaha qaarkood ayaa Horseed Media u xaqiijiyey in dowlada Puntland uga digtay Shirkadaha diyaaradaha inaysan soo qaadi karin issimadan oo aysan keeni karin Gaalkaacyo, hadii taasi dhacdadana ku waayi karaan ruqsadooda.
Xiriir ay Warbaahinta la sameysay Madaxtooyada Puntland si ay arrintan uga wareysato ayaa noo suurto geli waayey inaan wax jawaab ah ka helo dhanka dowlada Puntland.
Amarkan ayaa la sheegay inay si weyn uga xumaadeen dhamaan issimadii ka imaan lahaa magaalada Muqdisho, kuwaasi diiday inay safarkooda sii wataan hadii aysan raaceyn issimada SSC, waxayna dib u dhigeen safarkooda, maalin kadib ayey Issimada Sool, Sanaag iyo Cayn si gaar ah diyaar uga qaaday Airportka Muqdisho, ayagoo shalay kasoo degay Airportka cusub ee laga furay magaalada Taleex.
Issimada ayaa ka gaabsaday inay faah faahin ka bixiyaan amarka la sheegay inuu kasoo baxay dowlada Puntland ee la xariira imaanshahooda.
Garaadka Guud ee beelaha dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa asagu digniin u diray dowlada Somaliland oo uu sheegay inay sii wado falal khatar gelin kara amniga dalka. Wuxuuna Garaadka cambaareeyey dagaalka uu maamulka Somaliland ku hayo dhulka Sool, Sanaag iyo Cayn.
Balse Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ahaa Wafdiga issimada ayaa asagu si kooban uga hadlay wararkii soo baxayay ee la xariiray amarkii maamulka Puntlamd la sheegay inuu bixiyey.
“…Faroole maanta mid baan leeyahay,…(Messeg-kadii) fariintadii waa nasoo gaartay ee aad Muqdisho dhigtay oo aad tiri Garaadada reer Khaatumo kama soo degi karaan Gaalkacyo, waa illaahay mahadiis, waxaan kuu sheegaynaa in dhulkayagu balaadhan yahay, deegaankayagu wuu balaadhan yahay, hadii aad istiri Laascaanood baa la heystaa oo kama degi karaan, kuwo kalena waa noo hareen…” asagoo Garaadka halkaasi intaas ku koobay.
Maxamed Yuusuf Jaamac ( Indho sheel) oo ah Madaxweynaha Maamulka khaatumo State ayaa dhankiisa guul ku tilmaamay Airporka cusub ee laga hirgaliyey magaalada Taleex asagoo sheegay in arrintan ay muujineyso sida horumarka looga gaari karo wax walba oo isku-duubni lagu qabto.
Maxamed Yuusuf Jaamac ( Indho sheel) oo ah Madaxweynaha Maamulka khaatumo State ayaa dhankiisa guul ku tilmaamay Airporka cusub ee laga hirgaliyey magaalada Taleex asagoo sheegay in arrintan ay muujineyso sida horumarka looga gaari karo wax walba oo isku-duubni lagu qabto.
Gul iyo midnimo ayad kutalabsaten damer farole hadonto canihiriyahnda dadkafac wayn ayulamurmaya inagumed afsabilaleh wanu ognahay inusan dhalad ahayn afrikada lagasogaday gul khatumo stet 0f somalia