Bismillaahi Raxmani Raxiim, mahad idil keed waxaa iska leh Allah Subxan
Watacaalaa nabad iyo naxariis na korkiisa ha ahaato Suubanaheenii Maxamed
(CSW). Intaa ka dib waxaan dhamaan salamaayaa shacabka somaliyed
dhamaantood gudo iyo dabadba gaar ahaan shacabka khaatumo ee xalaasha
ah waxaana ku salaamayaa salaanta sharciga Islaamka ah ee Asalaama
Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatahuu.
Hadaba aan usoo noqdo maqaal kan aan qalinka u qaatay. Sidaan wada
ognahay taariikhda somaliyed iyo waliba taariikhda Africa waxaa muran ku jirin
in Somalia tahay wadankii ugu horeeyey ee qaarada Africa ee lagu weerar xaga
cirka ah taasoo loo adeegsaday diyaaradaha dagaalka noocay doontaba ha
ahaatee.
Hadaba su’aashu waxay tahay xagee la weeraray yaase weeraray?
Weerarka waxaa lagu qaaday magaalada Taleex ee taariikhiga ee ka tirsan
gobolka Sool oo barigaas weerarka lagu qaadayey ahayd saldhiga ugu weyn
ee daraawiishtii gobonimo doonka ahayd iyo hogaamiyahoodii Sayid Cabdulle
Xassan Alle yaa Raxmi. Weerarkana waxaa gaystay guumaystihii ingriska
oo markaa awoodiisu isugusoo shubatay xaga cirka kaliya kadib markay
daraawiishtu hadh iyo hurdaba u diiday. Khasaarihii diyaaradaasi gaysatay
waxaa ka mid ahaa jabkii darawiishta oo sooba kabsan waayey ka dib duqayntii
cirka ahayd.
Hadaba 4 December 2012 Taleex maxaa ka dhacay
Afartii bishan aan kor ku soo xusay waxaa timid gobonimadii oo cagaheeda ku
duulasa taasoo inoo siday indhii bulashadeena reer khaatumo haday noqoto
isimo madax wasiiro IWM oo dhamaan si nabad ah kusoo fadhiisatay garoonka
diyaaradaha cusub ee Sayid Cabdulle Xassan. Sida aan ku xusay ciwaanka ka
maqaalka sooma odhan karno tii horee inoo duqaysay iyo tan hada soo dagtay
labaduba waala taariikhda galay maadaama midna tahay tii ugu horaysay ee
duqaysay midna tahay tii ugu horaysay oo si nabada kusoo dagtay.
Dareenka Reer khaatumo
Dadwaynaha reer khaatumo ee ku sugan dal iyo dabadba waxay aad iyo usoo
dhaweeyeen hormarka ay ku talaabsatay maamulka khaatumo ee sagaalka
bilood jirka. Si gaar ah marka loo cabiro dareenkooda ku aadan diyaarada
kusoo dagtay garoon diyaarada Taleex ayaa ah mid aan qoraal lagusoo koobi
Karin. Aniga oo ah qoraha maqaalkan aragtidayda ku aadan diyaaradii taleex
kusoo dagtay waxay saray u sii qaaday dareenkayga iyo rajadii aan ka qabay
maamul goboleedka khaatumo state.
Maamulada dariska iyo ciilqabkooda
Hadaan ku bilaabo maamulka Somaliland ee ku caan baxay dhulboobka
iyo riyada aan jirin ee ku gidaaman aqoonsi aan sal iyo raad toona lahayn.
Afkii baa juuqda gabay ka dib markii argagax iyo lama filaan ku noqotay
Gobanimada cagaheeda kusoo fadhiisatay. Hadaan usoo janjeedhsado
maamulka fashilmay ee la odhan jiray X- puntland oo isagu baaq u diray madax
dhaqameedka khaatumo iyagoo ku sugan magaalada muqdisho baaqaas oo
ahaa inay kasoo dagi Karin magaalada gaalkacyo ee gobolka Mudug. Waxaan
xasuustay barigaan caruurta ahaa marka nacnac naloo qaybiyo oo mid naga
mida qado ama lasiin waayo nacnaca oo aan ku odhan jirnay “HOO KU SUUX
HOO KU SUUX HOO KU SUUX” marka labada maamul ee hareerha naga xiga
waxaanu leenahay anagoo ah reer khaatumo garoonka talex iyo buhodle
airport iyo kuwa kaloo badan oo noo dhiman sida garaad jamac ka sheegay
saxaafada “HOOYA OO KU SUUXA”
W/Q:By Ahmed Omar Hassan
Guul iyo horumar iga dheh wana lasii wadi doona insha allah waxqabadka ninka maqaalka qorayna wa khatumawi xalaal ah wana salamaya sxb waxad tahay shaqsi gobanimo jecel ggggggggl