Waxaa Baryahani ka jiray Masar mudaharaado rabshado wata taas oo salka ku haysa qodobo dastuuri ah oo madax wayne mursi uu soo saaray sidoo kale waxaa dhawaan la soo gaba gabeeyay dastuur in muddo ah gacanta lagu hayay oo uu yeelanayo dalku taas oo uu madax waynuhu ku baaqay in loo codeeyo 15- 12 – 2012 hase yeeshee kooxaha mucaarad ka ah ayaa isu bahaystay sidii ay u laali lahaayeen dastuur kaas iyo qodobada madaxwaynuhu soo saaray
Mudaharaadadan oo socday wax ka badan isbuuc ayay ku diidan yihiin go, aan ka madax waynaha iyagoo mararka qaarna ku baaqayay in mursi laftiisa la rido, sidoo kale waxaa iyana mudahaardo taageera ah qabsaday xarakooyinka iyo xisbiyada islaamiga ah oo ay ogu horeeyaan xorriya wal cadala (ikhwan) iyo xisbi nuur (salafiya) .
Taas oo u eg in waddan ku laba u kala jabay mudahaaradii u dambeeyay baa la isla tagay duleedka madaxtooyada oo ay dul fadhiisteen kooxaha mucaaradka ah balse taagerayaashii madaxwaynaha ayaa soo gurmaday iyagoo dalbanaya in laga kaco madaxtooyada halkaasna waxa ka dhacay gacan ka hadal sababay dhimasho iyo dhaawac badan.
Rabshadihii xalay baa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ogu yaraan 6 qof oo badan koodu ka tir san yihiin kooxda ikhwaanka taas oo qaarkood lagu dhuftay xabado dhaawaca ayaa la sheegay in uu gaadhay 446 inta dhakhtarka la geeyay.
sidoo kale waxay kooxo qawlaysato ah dhaawaceen xubin ka mid ah gadhwadeenada xisbiga ikhwaanka ee XORRIYA WAL CADALA kana tirsanaa majliska dastuurka dajiyay ahaana xubin barlamankii dhawan la kala diray oo lagu magacaabo subxi saalix kaas oo dhaawaciisa la geeyay Hospital ku yaal magaalada iskandariya
Waxa Maanta siweyn loo Dhigay Ciidamo badan goobaha laga cabsi Qabo Inay ka Dhacan banan baxyadani Iyo isku dhacyadani labada Xisbi Tageerayashooda ka dhex tagan.
W/Q:Jamac maxamed / Qaahira
Xafiiska Wararka Shabakada marqaan news