SOUTH AFRIKA(MNO):-Waxaa Xasuus iyo Bogaadin Mudan mMaalintii Diyaarada Xoriyada Soo cagga dhigatay garoonka diyaaradaha Magalada Taleex ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan International Airports, waxaana maalintaa xasuus iyo lama ilaawaan kunoqotay dhamaan bulshadda deegaanka khaatumo state of Soomaaliya ee SSC, waxaana ay tacsi iyo tiraanyo unoqotay dadka aan iyagu marna raali ka aheen horumarka deeggaanka iyo Maamulk Gobolkeedka khaatumo state of Soomaaliya kuwaas oo inta baddan hagardaamo iyo fara gelin ku haya Bulshada SSC.
Waxaa Hambalyo boggaadin kal iyo laaba bulshadda maamul goboleedka khaatumo state hawadda usoo marinaaya jaaliyada khaatumo state ee kudhaqan wadankan koonfur africa(South Africa), waxayna sheegeen inay maanta tahay maalintii xoriyaddii umadda soomaliyeed ee jecel midnimada iyo qarranimada Soomaaliya, taas oo makhraati ma doonto ah inay taleex ka soo deggeen garaadad, golaha madax-tooyada, siyaasiyiin, aqoon-yahano ka soo jeeda deegaanka SSC Soomaaliya.
Waxay jaaliyadu Hambalyo udirtay dhamaan bulshadda Khaatumo State Of Soomaaliya, Garaadada, Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Dhalinyarada, Haweenka, kuwaas oo gaadhay guul iyo midnimo buuxda taas oo markhaati utahay inay diyaarada ka soo duusha aduunka soo cagga dhigato magalada taleex ee caasimada kumeelgaadhka ah ee maamul goboleedka khaatumo state of Soomaaliya, waxaana samir iyo quus qaatay maamaulada hargaysa oo isago ogaaday inaysan Soomaaliya kalo go’ayn waqooyigga somaliya yahay mid miday difaacayaan mujaadidiinta khaatumo iyo maamulka garoowe oo amar kibixiyay inaysan Garaadada SSC ka soo degi karin garoonka gaalkacayo, laakiin ogaaday inay Khaatumo gaadhay maanta inay ka maarantay garoowe iyo maamulka faroolle ee fadhiidka ku ah garoowe iyo boosaaso.
Dhamaan Jaaliyada Khaatumo ee wadanka koonfur africa ayaa kubaaqay inay bulshada SSC is garabtaagan maamulkooda iyo xoraynta deegaanka jamhada snm kusoo duushay lagana saaro cadawga mudo badan kusugnaa, waxayna jaaliyadu digniin kubixisay inay shacabka khaatumo ka fogaadaan munaafaqada uu wado maamulka faroole iyo snm ee lagu kalo fur-furaayo deegaanka khaatumo ee soomaalinimada iyo sharaftooda ilaashayday.
Ugu danbayntii waxay bogaadin udireen madaxda maamulka Khaatumo state inay sii wadaan hawasha ay maanta marinayaan meesha wanaagsan ee guusha wayn lagga gaadhay, waxayna dhamaan bulshada ugu baaqeen difaaca iyo xoreenta deegaanka SSC ee iyo sidii looga saari lahaa cadawgga haysta dhulka badan ee ka tirsan maamull Goboleedka Khaatumo State Of Soomaaliya.
—Dhamaad—