Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay, iyadoo qaab aan horay loo arag ay u dhacday soo dhoweyntii uu Madaxweynaha Turkiga Abdullah Gül ugu sameeyay magaalada Ankara.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo roog gaduudan loo fideyay isla markaana calamada Soomaaliya iyo Turkiga ay kor u hayeen ciidamada soo dhoweynta ee Muusikada salaan sharafta tumeysay, soo dhoweyntan ayaa lagu tilmaamay mid ka duwan kuwii hore ee Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed loo sameyn jiray, taasoo muujineysa in Soomalia Is Badalo ka Dhaceen.
Madaxweynaha Ayaa Waxa Soo Dhaweyey Ciidamada Sida gaarka Ugu Taba Baran Soodhaweynta Madaxweynayaasha Aduunka Loogu Sharfo,waxana wadada Dhinaceeda Saf Ugu Jirey Ciidamada.
waa arin muhiim ah in madax wayneheena sidaas loo soo dhoweeyo aad ayaana ugu farxsan nahay
Aad iyo aad baan ugu farxay sida wanaagsan ee madax weyneheena loo soo dhoweeyey,
inta waxaan ku dari lahaa oo kaliya talo ah in Madax weynihu marka uu fadhiisto Kursiga oo badhanka jakada furto ama iska furo hadii kale jakada foolxumo bay ka noqonaysa.