Qarax balaadhan oo gilgilay aadna looga maqlayey xaafada Jaamba ee Islii qaybteeda labaad{SecII}, ayaa 3 daqiiqo ka hor gilgilay xaafada Jaamka, waxaa la arkayey dadka Soomaalida ee jidadka marayey oo iska dul dhacay,.
Halkaasoo isbursasho wyeni ka dhalatay, wakhtigan oo ahayd xiliga salaada Cishe lagu jirey ayaa qaraxu ka dhacay Aagaagarka Madjidka weyn ee Al Hidaaya, kaasoo dad badan oo Jimeeca ahi ku tukadaan.
Ilaa hada lama oga waxa dhaliyey qarax, khasaarihiisa iyo nooca uu ahaa, balse waxaa halmar jugtiisa laga maqlayey inta badan xaafada Soomaaida Islii, taasoo waayadan danbe hoy u noqotay qaraxyo mowjado ah oo si isdabajoog ah uga dhacayey xafaadaas.
Goobta Qaraxa Ka Dhacay Ayaa xiligani waxa lagu Arkaya ciidamo badan Oo Soo gaadhey Iyadoona Sirasmiya Loo Ogayn Qasaraha Ka Dhashay qaraxani.
Waxana Qaraxani Noqomaya Kii nnugu danbeyey Iyadoo wali ka soconayaan xaafada islii howl galo badan oo ciidamada wadan.
Wixii ka soobaxana wararka danbe Kala soco