Xili Rabshado ka dhaceen magalada hargiesa Ayaa waxa siweyn Uga had lay kooxaha Iyaga Masuulka ka Ahaa Bilowga Rabshadahaasi waxayna Sheegeen Inay Xukunka silaanyo Uga tuurayaan Silamida Madaxweynahii hore ee Masar Xusni mubarak.
Xasan Ciise Jaamac Oo Ah Mid ka Mida Xisbiyada isku sheegay Inay u tar tamayeen golaha Degaanka Ee Habar Jeclo ayaa Sheegay inay dhalin yarada Banan Baxayey joojinayn Banan baxyada Looga soo Horjeedo Kooxaha Komishinka doorashada SNM.
Xasan Ciise Jaamac oo maanta u waramay idaacadda BBC-da ayaa isaga ugu horeyn ka hadlaya khasaaraha rabshadaha ka dhashay ayaa yidhi “Dhalinyaro rayid ayaa samaynaya mudaharaad salmi ah ayaa ciidamadii loo addeegsaday oo xabad lala dhacay, shalay ilaa xalayna hal qofbaa dhintay lix qof oo rag iyo dumarba lehna way dhaawacmeen”
waxa uu sheegay in Mudahraadada ay keeneen boob lagu sameeyay buu yidhi codadkii Xaqsoor ee deegaanada qaarkood, isaga oo tilmaamay in dadka loo addeegsaday ciidamadda isla-markaana rasaas lala dhacay.