Wararkii ugu dameeyay ee aannu ka helno xaaladda xildhibaanka kama kunji Yuusuf Xasan Cabdi ayaa sheegaya in xildhibaanku uu ka jabay labada lugood sidoo kalana uu dhaawac ka soo gaary gacanta bidix.
Xildhibaanka ayaa hadda lagu dawaynayaa isbitaalka Aga-Khan ee magaalada Nairobi sida uu xaqiijiyay ninka u qaabilsan arrimaha Islii Maxamed ismaaciil shiine oo aannu khadka taleefanka kula xariirnay.
Mr Shiine ayaa xaqiijiyay inay dhinteen labo ruux oo ah carruur ku soo tukatay masaajidka, sidoo kalana ay jiraan dhaawacyo soo gaaray qaar kamid ah ilaalada xildhibaanka.
Maxamed Ismaaciil Shiine ayaa sheegay in ay bannaanka u soobexeen markii la tukaday salaadda kadibna ay dadka waydiiyeen xildhibaanka su’aalo la xariira sharciga kadibna uu soo dhacay dhagax wixii ka dambeeyayna uu dhacay qarax.
Xaaladda Xildhibaan Yuusuf Xassan Cabdi ayaa hadda wanaagsan sida uu sheegay Maxamed Ismaaciil Shiine oo u qaabilsan xildhibaanka arrimaha Islii, wuxuuna sheegay inuu hadda sheekaynayo.
mashaa alaah waa wax lagu farxo waana soo dhamaynayaa hadalka mpga kamakunji tan kale mudane geesi geesi dhalay ayaad tahay axaadna kuguulaysanaysaa mar labaad islii
asc alle hacafiyo xil dhibinka waa nin wanagsan qalbi fiican soomali nimo ku jirto inshalah alle waxan uga baryena inuu si dag dag ah ku cafimado inshallah
Xiidhiban markale maxan idinleyahay adiga inta kudhawacantay o islaam ah alle hadin cafiyo waxan kaloon kaxumahay carurta gardara lagulayay waxa waladin dhalay sabar iyo iman alle ha idinka kasiya kuwa sida gardarada leh dadkayaga kulayayna waxan alle aga baryaa in u adun iyo aaqiraba ku cadawo
mudanaha waan u ducaynaynaa waana halyeey sideedabana dadka wanaagsan ama u ol oleeyo hormarka iyo nabad ku wada nolaansha wa soo garaa dhibkan ookale laakin qofka wanaagsan ILAAH baalajiro runti waagees meel fagaara ah ayuu habeen dad ugu qodbeeyay isaga oo an haysan dad ilaaliya noolow madane yuusuf xasan indha gamuun
Qaramad midobe
Geesi ina indha gamuum nin raga weye ilahay aya wax dila bini adan wax madilo gulayso fikirkaga iyo arag tidada dhera haka gaabinin xiladhiben