Xujon wuxuu had iyo goor ku yahay mashquul isagoo cilad bixinta Computer-da waxaana shaqadan uu qabto isagoo indho la’a uu ka sameeyey afar dukaan oo uu ku leeyahay gobolkaasi, waxaana uu kasbaday macaamiil aad u fara badan, had iyo goor halka uu shaqada ka hayana waxaa isugu yimaada dad aad u fara badan oo u soo daawasho taga.
Telefishinka laga leeyahay wadanka Shiinaha ee CCTV oo wareysi ka leeyahay Gao Xujun wuxuu ku sheegay wareysigaasi in uu bilaabay shaqadan mudo haatan laga joogo 10 sano, isagoo sanadkii 2003-dii bartey cilmiga dayactirka Comouter-da (Hardware)Shaqadan dayactirka Computer-da ee uu hayo Ninkan Indhoolaha ah waxay keentey in uu soo jiito macaamiil fara badan isagoo caan ka noqdey gobolka Ismaamulbgoboleedka Mongolia & gobolka kale ee Henan ee dalka Shiinaha iyadoo dad aad u fara badan uga yimaadaan meelo kala duwan.
Li Xiaoli, oo ah haweenay indhoole ah oo Isticmaasha Computer-da ayna u sahashay barnaamijka aqrinta muraayada ama waxa loo yaqaan( screen-reading software) ayaa sheegtay in had iyo goor marka cilad uga timaado Computer-keeda ay farsamo ahaan ugu keento Gao, isagoo si bilaash ah ugu sameeya haweenaydaasi sidiisa oo kale lixdaadka la’a “Waan jeclahay inaan wax farsameeyo, waxaan doortey inaan barto dayactirka Computer-da, waayo waa aalad aad u yar oo ay fududahay in la maareeyo (laga shaqeeyo), waxayna ku qotontaa shaqadeydu inaan wax dareemo, maqlo ama taabto” ayuu yiri Gao.
Gao waxaa markiisii hore mihnad u aheyd in uu iibiyo Baaskiilada uuna dayactiro, balse markii dambe wuxuu u jeestey shaqo ah in uu Computer-da sameeyo, isagoo sheegay in uu ganacsigan uu faa’ido badan ka sameeyey, uuna jecelyahay in uu ku sii kaabo noocyo kale oo shaqo ah.
“Waxaan aaminsanahay in dadka Indhaha la’a ay tahay inay noqdaan kuwa awood leh oo isku filnaada, waad sameyn kartaa wax kasta oo aad isku daydo, waase hadii aad go’aansato oo aad ku dhaqdhaqaaqdo” ayuu ku yiri hadalkiisa Gao oo dhiirigalin u sameynayey dadka ay haysato dhibaatada indho la’aanta.
Warka Gao Xujon waxaa lagu soo beegay baahintiisa maalinta loo aqoonsadey International Day for People with Disabilities, (Maalinta caalamiga ah ee dadka Lixdaadkala’a)oo la xuso sanad kasta bisha December 3-deeda.
. Xuska maalintan waxay Qaramada Midoobay tan iyo sanadkii 1992-dii ku sameynaysay in ay soo bandhigto waxqabadka dadka lixdaadka la’a ee hadana sameeya wax ay naftooda ku maareeyaan, faa’idana u leh bulshada, iyadoo Qaramada Midoobay dhiirigalin xoogan siiso sidii dadkaasi u heli lahaayeen taageero iyo dhiirigalin la xiriirta sidii ay ugu noolaan lahaayeen nolol wanaagsan.