Fadhi ay maanta yeelatay Maxkamada Ciidamada Qalabkasida Soomaaliya ayaa waxay xukuno dul dhigtay qaar ka mid ah saraakiil ciidan oo ka tirsan booliska
iyo militariga dawlada kuwaasoo lagu soo eedeeyay dembiyo kala duwan.
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka-Sida Liibaan Cali Yarow oo xukunka maxkamada ku dhawaaqay ayaa sheegay in saraakiisha la soo eedeeyay uu
ka mid ahay taliyihii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabdi Maxamed Ismaaciil.
Maxkamada waxay ku dhawaaqday in sarkaalka lagu xukumay;-
- Maxkamada waxay sarkaalkan ka saartay ciidamada dawlada
– Waxaa laga xayuubiyey derejadii ciidanka uu ka hayey
– Waxaa laga mamnuucay qabashada wax xil ah ciidamada qalabka-sida.
– Waxaa lagu xukumay xarig xabsi daa’in ah inta noloshiisa ka hartay.
Lama oga in xukunka maxkamada ciidamada ay maanta ku riday sarkaalkii ugu sareeyay ciidanka asluubta uu la xiriiro tuhunadaasi iyo in kale.
Waxay maxkamadu sheegtay in saraakiil kale oo ciidamada ka tiraan iyana dhowaan la xukumi doono marka la soo dhameystiro eedeymaha loo heysto.
Maxkamada Ciidamada ayaa maxkamad qaada dacwadaha la xiriira ciidanka iyo kooxaha hubeysan, waxaana ay horey u gaartay xukuno kala duwan oo ay ku
jiraan dilal ay ku xukuntay askar ciidamada ka tirsan oo falal xadgudubyo ah u geystay dad rayid ah.