Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ah hormuudka masjidka weyn ee Ababubakar ee magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Islii, ayaa maanta salaadii duhur ka dib ka hadlay dhibaatooyinka iyo mashaqada lixaadka leh ee ka soconaysa xaafada Islii. Sheekha ayaa isweydiiyey sabab deegaanka Muslimka ee Soomaalida keliya wax uga dhacayaan, halka deegaanada kale ee dadka Kenyan ahi nabdoon yihiin.
Wuxuu sheegay in Islii iyo Mombassa keliya nabad daradu ka jirto, wuxuuna sheegay in arimahani ay yihiin ujeedooyin fara badan oo isku ladhan. Sheekhu wuxuu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay daafacdaan hantidooda iyo guryahooda, isla markaana iska waabiyaan waxa uu ugu yeedhay tuugta hororka ah. Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in la dhawro sharciga dalkan, laabatna lagu hayo inaysan jirin qabiilo Kenyan ah oo Soomaalida ay gaar isku hayaan balse ay yihiin oo keliya fidno wadayaal tuug ah oo ka faa’ideysanaya xasilooni darada soo korodhay.
Sheekhu sidoo kale wuxuu canbaareyey dhalinyarada Soomaalida ah ee ayaguna dadka weerara ooo uu ku sheegay in tahay in laftooda la iska loodiyo, wuxuu sheegay in horey inbadan loo arkayey weeraro mawjado ah oo dhanka warbaahinta ah oo hantida Soomaalida lagu sheegay , Budhcad badeed, Argagixiso iyo magacyo kale oo warbaahintu ku weerartay, taasoo u eg banaysasho la doonayo in lagu dhaxal wareejiyo maalka ganacsadata Soomaaliyeed.
Sheekhu wuxuu ku nuux nuuxsaday inaysan jirin sharci diidaya inaad iska dhiciso qofkii isku daya boob cad oo hantida lagu banaysano, asagoo hoosta ka xariiqay in qofka dilaa, ruuxa caynkaas ah uu yahay shahiid, maadaba uu maalkaagii kugu yimid.
Qaraxyo sida tusbax la furay ayaa ka dhacayey Islii ilaa horaantii sanadkan, waxayse ka sii dareeen markii todobaadkan laba qarax oo is xiga ka dhaceen isla xaafada Soomaalida ee Islii, tii ugu danbaysay ee xalay waxaa ku dhintay in ka badan 6 qof, oo qaarkood u geeriyoodey dhaawacii soo gaadhay, dadka dhintay waxay ahaayeen badankoodu Soomaali, sidoo kale dadka dhaawacmay waxaa ka mid ahaa xildhibaanka laga soo doorto Kamukunji oo xaafada Soomaaliduna ka tirsan tahay, asaga la laftiisuna ah Soomaali.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal waa culimada ugu waa weyn dalkan Kenya gaar ahaan kuwa Soomalida ah, wuxuuna ka mid yahay dadka aad looga jecel yahay Soomaalida dhexdeeda, maadaba uu yahay caalim weyn oo cilmi ruug ah.