Ciidamada Police ka Oo garab sanaya kuwa Amaanka Ee Xafada islii Ayaa Howl galo waxay saka Ka Bilabeen Goobahii Qaraxyada Ka Dhaceen xafada islii ee Magalada Nairobi
Ciidamada Ayaa Howl galadoodi Ilaa Xalay ka Wadeen xafada islii Waxay Ku Soo Qabteen Dad Badan oo Sharci Daro Ahaa kuwaasi oo Xabsiga U taxabeen.
Inkasta Oo saka xalada Cadai Ku Soo labatay Ayaa Hadana Waxa lagu Arkaya Ciidamada oo Xafadaha Qaar galaya Howl galana ka Wada.
Waxana Tani Cabsi Weyn Ku Abuurtay Soomaalida Xafada islii Oo Mudooyinkani Aan huradada Sifican u sexan Iyagoona ka Cabsi qaba Inay Ciidamada guryaha ugu soo Galaan.
Qaraxii Xalay Ayaa Ahaa Mid cabsi weyn Ku Sii Abuuray Soomaalida islii,Wargeysta The Standard ee kasoo baxa Nairobi ayaa qoray isagoo soo xiganayo saraakiisha Booliska in qaraxu ahaa mid wadada dhinaceeda lagu aasay, inkastoo dadka ku tukuday Masjidka ay siyaabo kala duwan ugu hadleen.
Dadka ku dhaaawacmay ayaa waxaa loola cararay Isbitaalka Afueni ee ku yaal magaalada Nairobi, iyadoo dadka dhaawacmay qaarkood dhaawacooda ahaa mid daran.
Lama oga ujeedada qaraxa in uu ahaa mid lagu bartimaameedsanayay Madaxda deegaanka Soomaalida ee ku tukaneysay Masaajidka iyo in kale.
Waa qaraxii Labaad ee mud 24 saac gudahood ka dhaco Xaafadda Soomaalida degto ee Islii, iyadoo qaraxani midkii ka horeeyay uu dhacay Habeenkii Lasoo Dhafay , waxaana ku dhintay hal qof, Sideed kalena wey ku dhaawacmeen.
Geesta Kale dowlada Kenya Ayaa Ku wareer San Qaraxy6adani Xili doorashada Kenya Fooda Ku Soo hayso,Waxana Cabsida soomaalida Sii Laba Jibaraya rabshado Udhexeya Xisbiyada Loolamaya Oo ka Dhaca Kenya.