Xili Ciidamada dowlada Soomaaliya Iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom Shalay la Wareegeen magaalada caasimada Ee Jowhar Ayaa Amisom Warsaxafadeed ka Soo Saray degaanada Kale ee Xigi Doona Magalada Jowhar.
Ger.Andrew guuti Oo Ah sarkaalka Ugu sareeya Ciidamada Amisom oo waraysisiyey Wakaalada Wararka ee AP Ayaa Sheegay Inay Xiligani Qorshohooda Yahy Inay ka Gudbaan magaalada jowhar Goobaha Al-shabaab Ku Sugan yahiina Weerari Doonan.
Waxa Uu Shegay G.Andrew Inay Tahay Mid Taarikhi Ah Qab sadhada Magalada Jowhar iyadoona Dhig Ku daadan.
Geesta Kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in si buuxda ay ciidamadooda iyo kuwa dowladda gacanta uga hayaan Jowhar, isagoo tilmaamay inay ku guda jiraan sidii ay ammaanka u sugi lahaayeen.
“Ciidamada AMISOM iyo dowladda saaka ayaa la wareegnay magaalada Jowhar, hada waxaa ku guda jirnaa howlo aan ammaanka ku sugeyno”ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.
Sidoo kale Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM Andrew Gutti ayaa cadeeyay in la wareegitaanka magaalada Jowhar ay hamiyad weyn u tahay, isla markaana ay u suura gelineyso inay sugaan ammanka dadka ku nool Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.