Waxaa maanta Garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yusuf magaalada gaalkacyo ka soo degay wefdi uu hoggaaminayo Wakiilka Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo muddo 8 bilood ah ku maqnaa magaalada Muqdisho kadib markii uu halkaas u tegey dhismihii dawladda Soomaaliyeed.
Qaar kamid ah isimada iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo, iyo weliba qaar kamid ah siyaasiyiinta u sharaxan xilka Puntland oo ka mid yahay Cabdiraxmaan gablax ayaa garoonka diyaaradaha ugu tegey Wakiilka Boqorka, sidoo kale dadkii soo dhaweeyey Boqorka waxaa kamid ahaa qaar kamid ah Xildhibaanada Golihii Wakiiladda ee Puntland,.
Ku waas oo loo soo direy in Wakiilka Boqorka ay u gudbiyaan si toos ah magaalada Qardho ilaa Bosaso. Boqor Burhaan ayaa la dejiyey hoy uu ku santo waxa uu la hadley saxaafadda.
Boqorka Ayaa Ugu Horayn Waxa Uu ka hadlay Wixii Aykala imadeen magaalada Muqdisho Mudada Ku Sugnayeen waxana Uu Sheegay Inay Isbadalo Ku Soo Arkeen.
Halkani Hoose sawirada ka Daawo






