Waxay Inoo Maraysey Raaxo oo marka aay telfoonka damisay garabkeeda bidix ka aragtay cabaas oo xaalkiisa is badalay misane xanaaq wajigiisa laga aqrisan karo.
Raaxo: macaanka maxaa kugu dhacay oo wajinkaada oo dhan waaba is badalyay e
Cabaas: wax igu dhacay ma jiraan, balse waxa adiga kugu soo zaa’iday in aan ogaado Ayaan u bahanahay
Raaxo: taasi waad ogaaneysaa , oo marka aan xaafada tagno Ayaan kuu sheegayaa ee is daji macaanka.
Cabaas: sida aad u fududeeysaneeyso ma igula faduda ee hada ii sheeg ama xitaa wax iga bilaaw
Raaxo: macaanka ma jecli in aan ku dhaho waxba makaaga bilaawaayi balse waxaan jeclaan lahaa in aan xaafada kuugu sheego anaga oo meel dagan joogno.
Cabaas: oke waxba kama qabo , balse ha isku dayin in aad wax iga qariso
Raaxo: waxba makaa qarinayi balse adiga lee ha iga xanaaqin hadii aan waxa jiro kuu sheego
Cabaas: dabcan hadi aad waxa jiro si sax ah igu sheegto waxaan isku dayeeynaa in aan xal u raadiyo oo aan labadeena arimaheena gooniga ah ka tashono balse taasi adiga ayeey kugu xerantahay
Raaxo hadalkaasi naxariista ku dhehantahay ee gacaliyaheeda ka soo yeeray aad ayeey ugu faraxday
Raaxo isla markiiba waxeey goaansatay in aay gacaliyaheeda waxba ka qarin oo waxeey ogeyd ninkeeda hore in uu ahaa mid aan waxba la fahansiin Karin oo waxeey goaanstay in aay gacaliyaheeda cabas waxa jiro oo dhan usheegto si uuna bari marka uu ninkii kale imaado ugu xanaaqin
Cabaas dhankiisa walaac aad u weyn ayaa ku furnaa o wuxuu fahmi la’aa waxa meesha ka scodo iyo sida aay wax u jiraan.
Balse markii guriga la yimid raaxo horay ayaa sheekada ka furtay ayada oo ku bilaawday
Raaxo: macaanka , arinka jiro waan kuu sheegayaa , balse ha u fahmin in aay tahay qalad aan aniga adiga kaa galayo ama been aan adiga kuu sheegayo ,
Cabaas: bal waxa jiro ii sheeg, hadii aan qalad kaa fahmo iyo hadii kale aniga ayaa gadaal kaaga sheegayo e
Raaxo: oke , ninkeeygii hore ayaa isoo wacay asiga oo dhahayo habeen danbe iyo habeenka ku xiro waxaan rabaa in aan xaafadaada soo joogo , marka aan dhahayne qof muhiim ah mise aan jeclahay ayaa ila socoto wuxuu igu jawaabay , qof aniga iga muhiimsan maba kula socon karto marka ma ogi sida aay wax u jiraan.
Cabaas: si fiican ma u fahmin sheekadaasi !!! nikaadi hore makala tagteen mise adiga ayaa nacday mise wali waxbaa idinka dhaxeeyo
Raaxo: macaanka sidaasi oo dhan ha u fikirin , aniga iyo asiga waan kala tagnay waliba dadki markaasi goobjooga aahaa Ayaan kuu wici karaa si aad u qanacdo ee aniga qalad ha iga fahmin macaanka
Cabaas: hada muxuu soo doonayaa ? goormuusa imanayaa? Qaabkeene usoo dhaweyn rabtaa? Muxuuna damacsanyahay ?
Raaxo: habeen danbe ayuu imanaayaa , waxa uu damacsanyahayne ma ogi ha ii imaanin hadii aan dhahayne waa ka madax adeegay , anigane xumaan weyn ma u geysan kari oo adeerkeey abahey la dhashay ayaa dhalay, ninkaanine ma ahan mid aan aniga jeclaaday ee waa mid leygu daray …….
Raaxo marka aay intaasi sheekada marsiineeysay ayaa ilin indhaheeda soo dhaafeen oo waa aay is celin weysay , cabaas waa uu dareemay in gacalisadiisa aay arin ka weyn dhaxda kaga jirto , oo asigaba dhankiisa waa uu soo calool dabcay oo candhuuftiisa dib ayuu u laqay
Asiga oo gacalisadiisa dajinayo ayuu ku dhahay:-
Cabaas: macaanta, wax walbo waa dhamaanayaan , anigane garabkaada ayaan joogaa ee is daji waxbane ha ooynin hana is dhihin cabaas waa uu kaa xanaaqayaan oo aduuunka ayaa dhib iyo murugu ku dhisan marka , maalinkasto ciid mahan ee is daji insha allah ciideena waa la gaarayaa e
Raaxo ayaa marka aay intaasi maqashay qosol iyo ooyhin isku darday waliba ayada oo leh:-
Raaxo: macaanka walaahi wuu ku fahmaa ma is dhaheynin oo waxaan is lahaa dib ayaad u weyneysaa gacaliyahaada balse marba hadii aad sidaasi oo dhan ii fahantahay waad mahadsantahay
Cabaas: oke hada maxaa xal ah oo ninkaasi hadii uu habeen danbe imaado maxaad sameyn rabtaa , hadii aad rabtone aniga asxaabteeyda ayaan iska aadayaa isbuucaan ee labadiina iska bashaalaa , wixii aad ku hishiisaan oo aad isku afgarataane isoo sheeg
Raaxo: macaanka aniga ayaad I imaaday oo asxaab ma u imaanin , aniga ayaana ku jecel meel aad iga aadeysone ma jirto ee meeshada ayaad joogeeysa hadii aad swedan ka baxeysone Holland leed ku noqon kartaa , oo Malaga yaabo in aan kaa yeelo in aad swedan joogto oo aad aniga ila joogin
Cabaas: ma waxaad rabtaa in aan aniga iyo ninkaadi hore is fara saarno , oo uu si aan jirin wax u fahmo?
Raaxo: siduu doono wax u fahmo waa mid asiga u taal , marka adiga meeshaada joog , hadii uu xadkiisa soo dhaafano sida qof aan kaseynin misane aan waligeey arkin oo kale Ayaan ula dhaqmayaa
Cabaas iyo raaxo maalintooda dib ayeey usoo u wanajiyeen oo sheekadooda iyo farxadooda ayeey iska galeen ,
Wixii uu waqtiga is guraba waxaa la soo dhawaatay xiligii u imaan lahaa ninkii martida ahaa ee la sugayay
Cabaas oo arinkaasi ka hadlaya ayaa gacalisadiisa ku dhahay
Cabaas: macaanta , haye maxaa kuu qorsho ah hee qofkii aad balansaneyd dabcan cawada wuu imaanayaa e
Raaxo: walahi wax aan damacsanahay ma jiraan wax i diyaarsane ma jiraan oo waxaan rabaa oo kaliya in aan ogaado waxa uu asiga u socdo misane uu maagan yahay
Cabaas: adiga maxeey kula tahay in uu magan yahay ?
Raaxo: walaahi taasi maka hadli karo , oo anaga markii horaba wanaag maku kala tagin ee macaanka is daji wax walbo waa dhamaanayaan oo waa sida aad u sheegtay ciideena waa la gaarayaa insha allah .
Wixii uu waqtiga socdaba , Raaxo iyo gacaliyaheeda Cabaas ayaga oo filim iska daawanayo ayaa albaabka la soo garaacay , cabaas horay ayuu ka dareemay , Raaxo oo hadalka la soo booday ayaa dhahday:-
Raaxo: war waa kii dhibkaa badnaa ayaa u maleynaa , war umadaan jiniga qabto yaa naga qabsada .
Raaxo markii aay albaabka furtay waxeey indhaheeda qabteen , ninkeedi hore
Ninkeedii hore: waan ku salaamay , manta aad baad u nuureysaa , see tahay xaalkaada?
Raaxo: xaalkeeyga waa iska ok ee maxaa darnaa oo aad soo doontay?
Ninkeedii Hore: bal gudaha ina gali oo is daji , wali maad I xanaaqsantahay?
Raaxo: gudaha soo gal balse ogoow in aay marti ii joogto e daganaashaha ku dadaal
Ninkeedii hore: Martida waa loo bahanyahay o waaba in aan bartaa ee Cabaas marka uu indhaha ku dhiftay ayuu dareemay in uu xaalka is badalay oo uu xaafada imaaday nin laga maqan yahay
Cabaas oo yaaban misane wajigiisa is badalay misane difaac ku jiro ayaa ku dhahay Ninkii martida ahaa
Cabaas:…………..
Lasoco Qeybta Xigta Ee Sheekadani
kala Soo Xrir emailada hoose
Baltalow meshas maxaa kadhacay?
Nimankan ismaleynayan hadey islayana shakada ayaa ah mid dumar aliftay, coz weli lamarak rag dumar darti isuleynaya balse in badan wan arakney dumar isuleynaya rag dartii marka 2 dan rux mid unbaa tanasuli taasina waa xeer raga uyal haday timado tanokale midba tagaya bila dagal
Hadey shekadan rux dumar uu sameyay 2 daa qof wey leynayan hadu rag hadusameyay hade wey isudesanayan midbaa qadanaya ninta ceeb kacarar ayanunahay 1 dhaha dumar ayaa lagu yaqan shekoyinka
Ma ficantahay haa
nagteyda waan jeclahay waliba 1dlaaqad ayaan ku qabaa ayuu soo wadaa
Kkk waa suge weysanahay dhamaadka sheegadan ee week labo mar nooga dhiga plz
Sxb sheekada waad naga soo daahisaan baryahan noga dhiga laba casho kadib mar kasta sheekadan ma sugi karna intaan ka badan fadlan laba casho haka badinina,thanx
Walal waxan inga c0dsanaya qebaha dambe la s0 dagdagga
axmadani huuno madaaaba war haya
dumarka ragaa kadaran kuwo intay sidii naagihii is qaniineen bishimaha is goostayna waa buu xaan
axmadani huuno madaaaba war haya
dumarka ragaa kadaran kuwo intay sidii naagihii is qaniineen bishimaha is goostayna waa buu xaan
Tafadali harkisha story