Warar kala Duwan Ayaa Ka Soo baxaya Masuulin ka tirswan dowlada Soomaaliya oo Gaadhey Maagalada jowhar Ee Xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe.
Wafdigani Ayaa Waxa Hogaaminayey wasiirka gashan Dhiga Soomaaliya Iyo masuulin kale Oo ka Tirsan Madaxda Sarakiisha Amanaka Iyo Amisom.
wasiirka wasaaradda gaashaandhiga C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya taliyaha ciidamada XDS, taliyaha howlgalka ciidamada AMISOM saraakiil ciidan iyo Saraakiil kale.
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in qorshaha ciidamada uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen dagmada Buula Barde iyo sidii ay iskugu furi lahaayeen dhamaan wadooyinka isku xira caasimada iyo gobolada dhexe ee dalka si shacabka ay ugu noolaadaan amaan.
Waxaa lagu wadaa masuuliyiintaan in ay la kulmaan maamulka gobalka iyo waliba dadka deegaanka ee magaalada Jowhar isla markaana ay kala hadlaan isbadalka ku yimid maamulka gobalkaas.
Magalada Jowhar Ee xarunta Gobolka Shabeelada dhexe Ayaa waxa Ciidamada Dowlada Kala wareegeen Shalay Al-shabaab Iyadoona Mudo 3 sano kadib sarakisha tageen.
Waxa lagu wada Inay masuulintani Uu Hogaaminayo wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Kulan la Qataan madaxda Dhaqanka Mgaaladasi.
Waxana Ciidamada Dowlada Unoqonaysa Magaalada istaratijiga Ee ugu danbeysa gacanta Ku Dhigeen.