Amisom Ayaa Baaq Udirtay Dhalin Yarada Soomaaliyeed Ee Ka Dhinac dagalamaysa xarakada Al-shabaab Uguna Baaqay Inay Fursadaha ka Fa’idaystaan.
afhayeenka ciidamada Midowga afrika ee AMISOM Cali Aadan Xumad Ayaa Sheegay Inay Amisom Fursad Siinayso Dhalin yarada La Qalday Ee ka Dhinac dagalamaysa Al-shabaab.
Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in hadii dhalinyarada ku jira Shabaab ay dhigaan hubka AMISOM ay soo dhaweynayso islamarkaana marwaliba Dowladda ay soo dhaweynayso.
Dhalinyarada ku jira Ururka Al-Shabaab ayaa ku adkeysta mowqifkooda dagaalka ah inkastoo ay jiraan dhalinyaro kasoo goosta Shabaab oo kusoo biira dhanka Dowladda Soomaaliya.
Dagaalka u dhaxeeya Shabaab iyo Dowladda iyo AMISOM ayaa cagaha la galay Gobalada dalka Soomaaliya oo iminka ay kusoo hardamayaan Gobalada Shabeelooyinka.