Fanaanka Khaalid Shariif Axmed (King Khalid) iyo Fanaaniinta C/xakiin Fara yare iyo Xasan Cujeer Cajame ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Haween ka socday degmooyinka Gobolka Banaadir oo watay boorar ay halku dhigyo ku qornaayeen, siyaasiyiin, fanaaniin iyo Ururada bulshada ayaa si diiran u soo dhoweeyay Fanaaniintan.
Fanaaniintan oo ay ku marti qaaday magaalada Muqdisho Hey’adda Wada hadalka Bulshada ee CCD ayaa xaflad soo dhoweyn loo sameeyay kadib ay ka mahad celiyeen sida diiran ee loo soo dhoweeyay iyo inay dalka dib ugu soo laabtaan iyagoo faraxsan.