Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Suxufiyiinta Somaliyeed ee xilliyada qaarkood galaan sida uu yiri khaladaad, ayna la xisaabtami doonaan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa wuxuu hadalkaan ka jeediyay Xaruunta Golaha Shacabka, xilli ay maanta yimaadeen Wasiirada Gaanshaandhiga iyo Arrimaha Dibadda.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu qiray in Saxaafada iyo Suxufiyiinta Somaliyeed ay mararka qaarkood galayaan khaladaad, isagoo sheegay in uu dhamaaday waqtigii aan lala xisaabtami jirin, sida uu yiri.
Wixii xilligaan ka dambeeyay ayaa wuxuu xusay in lala xisaabtami doonin, lalana socon doono dhaq dhaqaaqooda, isla-markaana Sharciga lala tiigsan doono.
Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa wuxuu sheegay inay sameynayaan Guddi la socda khaladaadka ay galayaan Suxufiyiinta Somaliyeeed, maadaama uu sheegay in xilligaan kadib uu la xisaabtan jiri doono.
Prof. Jawaari ayaa wuxuu ku baaqay in Wariye-yaasha Soomaaliyeed ay ka fogaadaan khaladaadka ay galayaan ee dhibaatada uga imaaneyso, wuxuuna kula taliyay inay si wanaagsan bulshada ugu adeegaan.
Masha.allah mudane barlaman xiligan wadanka waxa loga bahan yahay xukun adag iyo sharciyo adag misna ka dhabeya balanqadyada ay sameyso barlamanka gaar ahan madiaha ama warbahinta
Waxan aminsanahay madiaha aya wax wanajiya waxna xumeya balse anagu wanagu waxan u badalna xuman
Xumantana wanag
Taa waxa loga bixi karal ligal adag sharci adag