Saraakiisha Ciidamada dowlada ee ku sugan gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay ku siqi doonaan goobo hor leh oo ka tirsan gobalkaasi.
Taliyaha gaaska Koowaad ee ciidamada dowlada Soomaaliya Gen. C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in amaanka magaalada Jowhar uu wanaagsanyahay, isla markaana ay u gudbi doonaan deegaanada kale.
Gen Caanood ayaa sheegay in ay isku diyaarinayaan ciidamada wajigii labaad kaasi oo ah in ay ku weeraraan Al-Shabaab deegaanada kale ee gobalkaasi oo ay haatan ku harsanyihiin.
Wuxuu intaasu uu ku daray taliyaha hadalkiisa in ay jiraan ciidamo badan oo haatan la dhigay inta u dhaxaysa Balcad iyo Jowhar kuwaasi oo sugaya amaanka wadada si aysan Al-Shabaabku u imaan.
Maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa laga saaray magaalada Jowhar waxaana haatan maamulaya magaaladaasi dowlada Soomaaliya ka dib mudo badan oo ay Al-Shabaab ay halkaasi maamuli jireen.
Al-Shabaab ayaa ku hanjabaya in ay dib ugu soo laaban doonaan magaalada Jowhar isla markaana haatan ay joogaan meel ku dhow markii horana ay magaalada kaga baxeen xeelad dagaal.