Ciidamada Amaanka Kenya Ayaa Sheegay Inay Gacanta Ku Dhigeen ugu Yaran 6 Qof Iyo Hub Ay Wateen Xududka Kenya Iyo soomaaliya Halkaasina Xabsiga U Taxabeen.
Kooxahani Lagu Qabtay Xududka kenya Iyo Soomaaliya Oo Ciidamada kenya Sheegeen Inay Uga Shaki Qabaan Inay Xirir La Leeyahiin Al-shabab Ayaa lagu Qabtay Iyagoo Siqarsoodiya Xududka Uga Gudbaya.
Qoryaha ragtani wateen Oo Ahaa Ban banooyin Iyo Hubka fudud Sida ay Sheegeen sarakiisha Ciidamada Amaanka Kenya.
Waxayna Ciidamada amaanka Kenya Sheegeen inay laba Ka Mida yahiin Dhalin yaradani haween,Halka 4 Ka Midana yahiin Wiilal Dhalin Yaro ah.
Ciidamada Amaanka Kenya Ayaa Sheegay Inay Xidheen Xududka Soomaaliya La Wdaagao dalka Kenya Intay Soconayan Xiliga doorashooyinka Oo Diwan galinta Lagu Jiro.
Gudoomiyaha Dhanka Amaanka Gobolka Waqooyi Bari kenya Ayaa Sheegay Inay baadhitaano Ku wadan ragani Kadibna danbigooda Lagu Soo oogi Doono.