Maxkamad ku taalo wadanka Maraykanka Ayaa Xukuno Ku Ridey Muwadinin Soomaaliya Kuwaasi Oo Ay Ku Eedeysay Inay tageeraan Ururka xarakada Al-shabaab Ayna Dhaqaalo U Diraan.
sidoo Kale Labadani muwadin Ayaa Lagu eedeyey Inay sameeyeen Weeraro isku day Qaraxyo Gudaha dalka maraykanka Waxayna max kamada Dul Dhigtay Xukun Xadhig ah Iyo Lacag Ganaax ah.
Mid Ka Mida Ragani oo lagu Magacabo Shakir Masri Ayaa Maxkamada Waxay Ku Ridey 10 sano Oo xadhiga Iyadoona Sidoo kale Ninkani Lashegay Inay Weeraro isku daya Ka Fuliyey Gudaha Dalka marakanka.
Masri ayaa waxaa la sheegay in uu tababar ku soo qaatay Soomaaliya halka Haweeneyda la xukumayna lagu soo oogay dacwad ku’aadan in ay taageero baahsan ay siineysay Ururka Al Shabaab taas oo iyana ka dib markii la dhageestay dacwadeeda uu ku dhacay xukun xarig dhan illaa 8 Sano
Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Maxkamadasi Ayaa Sheegay In Ragani danbiyada lagu Soo oogey intooda Badan Ay Qirteen waxana Uu Sheegay Inay xirir La Leeyahiin Al-shabaab.
Xabsiyada Mareekanka ayaa waxaa kujira Muwaadiniin Soomaali ah oo dambiyo Kala duwan loo heesto kuwaasi oo ay ka mid yihiin falal Burcad badeednimo iyo Mid argigixiso